وَٱلْعَصْرِ
Alle wuxuu ku dhaartay waqtiga casarka ah.
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
وَٱلْعَصْرِ
Alle wuxuu ku dhaartay waqtiga casarka ah.
إِنَّ ٱلْإِنسَٰنَ لَفِى خُسْرٍ
In dadku khasaaro ku sugan yahay.
إِلَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّٰلِحَٰتِ وَتَوَاصَوْا۟ بِٱلْحَقِّ وَتَوَاصَوْا۟ بِٱلصَّبْرِ
Marka laga reebo kuwa rumeeyay xaqa ee camal fiican falay, isuna dardaarmay xaqa, isuna dardaarmay samirka.
Suuraddani waa suurad gaaban, hase yeeshee aad u wayn, waxayna caddaysay in dadku khasaaray wixii ka soo hadhay kuwa xaqa rumeeyay camal wanaagsanna la yimid, wanaaggana is faray, samirkana isu dardaarmay. Dabaraani wuxuu ka wariyay Cubaydullaahi binu Xafse inuu yidhi: laba ruux oo asxaabtii Rasuulka ka mid ah waxay ahaayeen hadday kulmaan inaynan kala tagin isagoon midkood akhriyin suuraddan ilaa dhammadkeeda markaasay isa salaami jireen. Imaamu Shaaficina wuxuu yidhi Alle ha ka raali noqdee: dadku hadday suuraddan fiiriyaan way u waasac noqon lahayd (ku fillaan lahayd).
Qoraalka Carabiga: Tanzil (Uthmani). Tarjumaad: Shaikh Mahmoud Mohammad Abdo · archive.org upload (quran-somali). Tajwiidka: Quran.com. Codka: MP3Quran, Abdirashid Ali Sufi.
Numbered Somali verses transcribed from the page images of the 2020 archive.org quran-somali book and audited independently against the same images; not OCR. Scan-supported source evidence, not character-perfect certification. Commentary excluded; redistribution rights unverified.