At-TinSuurad 95 · 8 aayadood
Habaynta
Faahfaahinta suuradda
Meesha la dejiyey
Makkah (Makki)
Kaalinta nuurista
28 / 114
Aayadaha
8
Bogagga Mushafka
597
Macnaha magaca
The Fig
Meesha iyo kaalinta nuurista: Quran.com. Bogagga: Mushafka Madiina (604 bog).

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista

95:1

بِّسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ وَٱلتِّينِ وَٱلزَّيْتُونِ

Alle wuxuu ku dhaartay tiinka iyo zeytuunka.

95:2

وَطُورِ سِينِينَ

Iyo Duuri Siina.

95:3

وَهَٰذَا ٱلْبَلَدِ ٱلْأَمِينِ

Iyo magaaladan aaminka ah (Maka)

95:4

لَقَدْ خَلَقْنَا ٱلْإِنسَٰنَ فِىٓ أَحْسَنِ تَقْوِيمٍ

Ee waxaan ku abuurray dadka muuqaal toosan.

95:5

ثُمَّ رَدَدْنَٰهُ أَسْفَلَ سَٰفِلِينَ

Kaddibna waxaan u celinaynaa kuwa hooseeya midka ugu hooseeya (gabow dartiis).

95:6

إِلَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّٰلِحَٰتِ فَلَهُمْ أَجْرٌ غَيْرُ مَمْنُونٍ

Hase yeeshee kuwa rumeeyey xaqa camalwanaagsanna falay, waxay mudan ajri aan go’aynin.

95:7

فَمَا يُكَذِّبُكَ بَعْدُ بِٱلدِّينِ

Ee maxaa kuu sababay in aad beeniso qiyaamada intaas ka dib.

95:8

أَلَيْسَ ٱللَّهُ بِأَحْكَمِ ٱلْحَٰكِمِينَ

Miyuusan Alle ahayn kan ugu xukun wanaagsan. (Alle ayaa xukun wanaagsan).

Tafsiirka aayadaha 1–8

Suuraddani waxay ka warrami sida Alle u abuuray dadka, una wanaajiyey abuurkiisa, hadana ugu celin gabow iyo tabar yari ciddii cimrida, Alle na wuxuu ku abaal marin kuwa wanaagga falay wanaag iyo ajiraan dhamaanayn, Alle na waa kan xukunkiisu caadilka iyo xaqa yahay uguna fiican yahay. Abuu Hureere waxaa laga wariyey: hadduu mid idinka mid ah akhriyo suuraddan iyo dhamaadkeeda ha yiraahdo: waxaan ka mid ahay kuwa marag furi.

Ilaha

Qoraalka Carabiga: Tanzil (Uthmani). Tarjumaad: Shaikh Mahmoud Mohammad Abdo · archive.org upload (quran-somali). Tajwiidka: Quran.com. Codka: MP3Quran, Abdirashid Ali Sufi.

Numbered Somali verses transcribed from the page images of the 2020 archive.org quran-somali book and audited independently against the same images; not OCR. Scan-supported source evidence, not character-perfect certification. Commentary excluded; redistribution rights unverified.