أَلَمْ نَشْرَحْ لَكَ صَدْرَكَ
Miyaannaan kuu waasicinin laabta (kuu nuurinnin).
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
أَلَمْ نَشْرَحْ لَكَ صَدْرَكَ
Miyaannaan kuu waasicinin laabta (kuu nuurinnin).
وَوَضَعْنَا عَنكَ وِزْرَكَ
Oonnaan kaa dajinnin culayskii.
ٱلَّذِىٓ أَنقَضَ ظَهْرَكَ
Dhabarka kaa cusleeyay.
وَرَفَعْنَا لَكَ ذِكْرَكَ
Miyaannaan kor yeelin magacaaga (xusiddaada).
فَإِنَّ مَعَ ٱلْعُسْرِ يُسْرًا
Cidhiidhina waxaa ku dhaw fudayd (iyo faraj)
إِنَّ مَعَ ٱلْعُسْرِ يُسْرًا
Cidhiidhina waxaa ku dhaw fudayd.
فَإِذَا فَرَغْتَ فَٱنصَبْ
Ee markaad salaadda dhammayso isku dhib (samo fal).
وَإِلَىٰ رَبِّكَ فَٱرْغَب
Alle na (khayr) ka rajee.
Alle wuxuu Nabiga (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Alle ha yeelee) ku mannaystay wanaag badan, sida laabta oo loo nuuray, culayska oo laga dajiyay, iyo magaciisa oo la kor yeelay, wuxuuna Alle sheegay in cidhiidhi kasta faraj ku dhaw yahay, wuxuuna faray in ducada iyo khayrkana lagu dadaalo, Alle na wanaag laga rajeeyo. Qataada waxaa laga wariyay in loo sheegay in Rasuulkii Alle, «naxariis iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha yeelee» asaxaabtiisii ugu bishaareeyay aayaddan yidhina: «hal cidhiidhi kama adkaado laba fudayd». Waxaa wariyay Ibnu Jariir.
Qoraalka Carabiga: Tanzil (Uthmani). Tarjumaad: Shaikh Mahmoud Mohammad Abdo · archive.org upload (quran-somali). Tajwiidka: Quran.com. Codka: MP3Quran, Abdirashid Ali Sufi.
Numbered Somali verses transcribed from the page images of the 2020 archive.org quran-somali book and audited independently against the same images; not OCR. Scan-supported source evidence, not character-perfect certification. Commentary excluded; redistribution rights unverified.