Ad-DuhaaSuurad 93 · 11 aayadood
Habaynta
Faahfaahinta suuradda
Meesha la dejiyey
Makkah (Makki)
Kaalinta nuurista
11 / 114
Aayadaha
11
Bogagga Mushafka
596
Macnaha magaca
The Morning Hours
Meesha iyo kaalinta nuurista: Quran.com. Bogagga: Mushafka Madiina (604 bog).

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista

93:1

وَٱلضُّحَىٰ

Alle wuxuu ku dhaartay barqinka.

93:2

وَٱلَّيْلِ إِذَا سَجَىٰ

Iyo habeenku markuu xasilo (madoobaado).

93:3

مَا وَدَّعَكَ رَبُّكَ وَمَا قَلَىٰ

Inaan Alle kaa tagin Nabiyow kuuna cadhoonin.

93:4

وَلَلْـَٔاخِرَةُ خَيْرٌ لَّكَ مِنَ ٱلْأُولَىٰ

Aakharaana kaaga khayr badan adduunka.

93:5

وَلَسَوْفَ يُعْطِيكَ رَبُّكَ فَتَرْضَىٰٓ

Rabbigaa ayaana ku siin doona (wanaag) waadna raalli noqon.

93:6

أَلَمْ يَجِدْكَ يَتِيمًا فَـَٔاوَىٰ

Miyuusan ku helin Allehaa adigoo agoon ah oosan ku dhawaynin.

93:7

وَوَجَدَكَ ضَآلًّا فَهَدَىٰ

Miyuunase ku helin adigoo ku sugan waxa maanta aad ku sugan tahay wax aan aheyn, oosan ku hanuuninnin.

93:8

وَوَجَدَكَ عَآئِلًا فَأَغْنَىٰ

Miyuunase ku helin adigoo caydh ah oosna ku hodminin.

93:9

فَأَمَّا ٱلْيَتِيمَ فَلَا تَقْهَرْ

Ee agoonta ha xoogin (hana dhibin).

93:10

وَأَمَّا ٱلسَّآئِلَ فَلَا تَنْهَرْ

Ka wax su’aalina ha canaanan.

93:11

وَأَمَّا بِنِعْمَةِ رَبِّكَ فَحَدِّثْ

Nicmada Rabbigaana ka sheekee (ku mahadi).

Tafsiirka aayadaha 1–11

Suuraddani waa suurad wayn, sida suuradaha quraanka ee kalaba, waxayna ku soo dagtay mar Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Alle ha yeelee) xanuunsaday gaaladuna dheheen Maxammad shaydaankiisii wuu ka tagay iyagoo ula jeeda malaku-Jibriil oo waxyiga dib ula yar dhacay, Alle na wuxuu suuradda ku sheegay nicmooyin uu Nabiga siiyay, iyo agoonka inaan la dhibin, kuwa dhibaataysanna ee wax warsanna aan la canaanan, nicmada Alle na lagu mahadiyo. Rasuulkuna wuxu yidhi naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Alle ha yeelee: «hodontinnimadu ma aha xoolo badni, laakin hodontinnimadu waa hodonnimada nafta». Waxaa wariyay Bukhaari iyo Muslim.

Ilaha

Qoraalka Carabiga: Tanzil (Uthmani). Tarjumaad: Shaikh Mahmoud Mohammad Abdo · archive.org upload (quran-somali). Tajwiidka: Quran.com. Codka: MP3Quran, Abdirashid Ali Sufi.

Numbered Somali verses transcribed from the page images of the 2020 archive.org quran-somali book and audited independently against the same images; not OCR. Scan-supported source evidence, not character-perfect certification. Commentary excluded; redistribution rights unverified.