Akhri aayad kasta si tartiib ah, ku dhawaaji xarfaha iyo xarakaadka, kadib eeg macnaha. Dhageyso oo akhri suuradda dhan →
1لَمْ يَكُنِ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ مِنْ أَهْلِ ٱلْكِتَٰبِ وَٱلْمُشْرِكِينَ مُنفَكِّينَ حَتَّىٰ تَأْتِيَهُمُ ٱلْبَيِّنَةُ
Ma aha kuwii gaaloobay ee ahaa ehlu kitaabka (yahuud iyo nasaara) iyo gaaladii kuwo ka taga (xumaanta) intuu uga yimaaddo wax cad (xuja ah).
2رَسُولٌ مِّنَ ٱللَّهِ يَتْلُوا۟ صُحُفًا مُّطَهَّرَةً
Oo ah Rasuul Alle oo akhriyi kutub daahir ah.
3فِيهَا كُتُبٌ قَيِّمَةٌ
Oo xukun fiicani ku yaal.
4وَمَا تَفَرَّقَ ٱلَّذِينَ أُوتُوا۟ ٱلْكِتَٰبَ إِلَّا مِنۢ بَعْدِ مَا جَآءَتْهُمُ ٱلْبَيِّنَةُ
Mana kala tagin gaalada ehlu kitaabka ah intuu uga yimaaddo xaq cad (xasad dartiis).
5وَمَآ أُمِرُوٓا۟ إِلَّا لِيَعْبُدُوا۟ ٱللَّهَ مُخْلِصِينَ لَهُ ٱلدِّينَ حُنَفَآءَ وَيُقِيمُوا۟ ٱلصَّلَوٰةَ وَيُؤْتُوا۟ ٱلزَّكَوٰةَ وَذَٰلِكَ دِينُ ٱلْقَيِّمَةِ
Dadkana waxaan Alle caabudiddiisa ahayn lama farin iyagoo u kali yeeli Alle diinta, toosanna, salaaddana oogi, zakadana bixin, saasina waa diinta toosan.
6إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ مِنْ أَهْلِ ٱلْكِتَٰبِ وَٱلْمُشْرِكِينَ فِى نَارِ جَهَنَّمَ خَٰلِدِينَ فِيهَآ أُو۟لَٰٓئِكَ هُمْ شَرُّ ٱلْبَرِيَّةِ
Kuwa gaaloobay oo ehlu kitaabka ah iyo gaaladii waxay gali naarta jahannama ayna ku waari dhexdeeda, kuwaasina waa kuwa ugu shar badan khalqiga.
7إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّٰلِحَٰتِ أُو۟لَٰٓئِكَ هُمْ خَيْرُ ٱلْبَرِيَّةِ
Kuwa rumeeyayse xaqa camal fiicanna falay kuwaasi waa kuwa ugu khayr badan khalqiga.
8جَزَآؤُهُمْ عِندَ رَبِّهِمْ جَنَّٰتُ عَدْنٍ تَجْرِى مِن تَحْتِهَا ٱلْأَنْهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَآ أَبَدًا رَّضِىَ ٱللَّهُ عَنْهُمْ وَرَضُوا۟ عَنْهُ ذَٰلِكَ لِمَنْ خَشِىَ رَبَّهُۥ
Abaalkooda ay Alle agtiisa ku leeyihiin waa jannooyin nagaadi, dhexdeedana ay dureeri wabiyaal ay kuna waari dhexdeeda waligood, Alle ayaa ka raalli noqday iyana way ka raalli noqdeen, arrintaasna waxay u sugnaatay ruuxii Rabbi ka yaaba.