إِذَا زُلْزِلَتِ ٱلْأَرْضُ زِلْزَالَهَا
Marka dhulka (arladi) la gilgilo gilgiliddeedi.
Waa la furayaa…
8 aayadood.
Akhri aayad kasta si tartiib ah, ku dhawaaji xarfaha iyo xarakaadka, kadib eeg macnaha. Dhageyso oo akhri suuradda dhan →
إِذَا زُلْزِلَتِ ٱلْأَرْضُ زِلْزَالَهَا
Marka dhulka (arladi) la gilgilo gilgiliddeedi.
وَأَخْرَجَتِ ٱلْأَرْضُ أَثْقَالَهَا
Arladuna soo bixiso culayskeedii (wixii ku aasnaa).
وَقَالَ ٱلْإِنسَٰنُ مَا لَهَا
Dadkuna (gaaladuna) dhahaan maxay leedahay.
يَوْمَئِذٍ تُحَدِّثُ أَخْبَارَهَا
Maalintaas waxay ka sheekayn warkeeda.
بِأَنَّ رَبَّكَ أَوْحَىٰ لَهَا
Maxaa yeelay Alle ayaa u waxyooday.
يَوْمَئِذٍ يَصْدُرُ ٱلنَّاسُ أَشْتَاتًا لِّيُرَوْا۟ أَعْمَٰلَهُمْ
Maalintaas dadku way soo bixi iyagoo kala tagsan (xagga diinta iyo camalkaba) si loo tusiyo abaalka camalkooda.
فَمَن يَعْمَلْ مِثْقَالَ ذَرَّةٍ خَيْرًا يَرَهُۥ
Ruuxiise wax yaroo khayra fala wuu arki.
وَمَن يَعْمَلْ مِثْقَالَ ذَرَّةٍ شَرًّا يَرَهُۥ
Kiise wax yar oo shar ah fala wuu arki.