بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista.
ٱلْحَمْدُ لِلَّهِ رَبِّ ٱلْعَٰلَمِينَ
Mahad Alle ayaa iska leh ee barbaariyaha caalamka ah (koonka).
ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariista.
مَٰلِكِ يَوْمِ ٱلدِّينِ
Ee hanta maalinta abaalmarinta (qiyaamada).
إِيَّاكَ نَعْبُدُ وَإِيَّاكَ نَسْتَعِينُ
Adiga unbaan ku caabudaynaa, adiga unbaanna kaa kaalmo waydiisanaynaa (Allow).
ٱهْدِنَا ٱلصِّرَٰطَ ٱلْمُسْتَقِيمَ
Ee nagu hanuuni jidka toosan (xaqa).
صِرَٰطَ ٱلَّذِينَ أَنْعَمْتَ عَلَيْهِمْ غَيْرِ ٱلْمَغْضُوبِ عَلَيْهِمْ وَلَا ٱلضَّآلِّينَ
Jidka kuwii aad u nicmaysay eedan u cadhoonnin dhuminna.
Suuraddani waa suurad wayn, kitaabka Ilaahayna ka billowdo salaaddana in lagu akhriyo ay waajib tahay. Kulmisatayna ammaanta Alle, mahaddiisa, qiyaamada, cibaadada Alle iyo kaalmo waydiisigiisa iyo inuu ku toosiyo jidka toosan ee xaqa ah, jidkaasoo ah kay qaadeen dadkii fiicfiicnaa ee Alle u nicmeeyey oo ahaa Nabiyadii, rumeeyayaashii, shuhadadii iyo kuwii suubbanaaba ee ka leexday waddada kuwii loo cadhooday ee yuhuudda ahaa iyo kuwii dhumay ee nasaarada ahaa. Waxaana lagu magacaabaa suuraddan magacyo badan oy ka mid tahay hooyada quraanka, Nabiguna (ammaan iyo nabadgelyo Alle korkiisa ha yeelee) waxaa laga weriyay: amar kastoon lagu billaabin bisinka waa naaqus. Aad ayuu u taag daran yahay xadiithku. Rasuulku (ammaan iyo nabadgelyo Alle korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi: salaaddu uma jirto ruuxaan akhriyin faataxada. Waxaa wariyey Bukhaari iyo Muslim. Fadligeedana halkan kuma soo koobi karno, waxaase fiican in la fahmo waxay kulmisatay laguna dhaqmo, Alle na dhab loo caabudo, dhabna looga kaalmo waydiisto. Had iyo jeerna la digtoonaado, hanuun iyo toosnaanna Alle la warsado iyo inuu kaa duwo jidka xun ey qaadeen xaqdiidayaashu iyo gaalada dhammaanteed. Rasuulkuna (ammaan iyo nabadgelyo Alle korkiisa ha yeelee) wuxuu yidhi: dhugbadane waa ruuxa naftiisa xisaabiya una camal fala geeri dabadeed. Waxaa wariyey imaam Axmed iyo kuwo kale.
Qoraalka Carabiga: Tanzil (Uthmani). Tarjumaad: Shaikh Mahmoud Mohammad Abdo · archive.org upload (quran-somali). Tajwiidka: Quran.com. Codka: MP3Quran, Abdirashid Ali Sufi.
Numbered Somali verses transcribed from the page images of the 2020 archive.org quran-somali book and audited independently against the same images; not OCR. Scan-supported source evidence, not character-perfect certification. Commentary excluded; redistribution rights unverified.