قُلْ أَعُوذُ بِرَبِّ ٱلنَّاسِ
Waxaad dhahdaa (Nabiyow) waxaan ka magan galay Rabbiga dadka barbaariya.
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
قُلْ أَعُوذُ بِرَبِّ ٱلنَّاسِ
Waxaad dhahdaa (Nabiyow) waxaan ka magan galay Rabbiga dadka barbaariya.
مَلِكِ ٱلنَّاسِ
Ee dadka xukuma.
إِلَٰهِ ٱلنَّاسِ
Ee ah Ilaaha dadka.
مِن شَرِّ ٱلْوَسْوَاسِ ٱلْخَنَّاسِ
Sharka (iyo xumaanta) waswaasiyaha qarsooma (marka Alle la xuso).
ٱلَّذِى يُوَسْوِسُ فِى صُدُورِ ٱلنَّاسِ
Ee waswaasiya laabta (qalbiga) dadka.
مِنَ ٱلْجِنَّةِ وَٱلنَّاسِ
(Kuwaas wax waswaasinaya) oo ah jinni iyo insiba.
Sidaa oo kale waxay suuraddan sheegi in Rabbiga awoodda leh laga magan galo xumaanta iyo sharka kuwa wax dhibaya waxna waswaasinaya, xumaanloowgana ah, ama jinni ha ahaadeen ama insi ha ahaadeene. Waxaa dhab ah in had iyo jeer ay jiraan dhibayaal warxumatashiila, dadka ka qasa diintiisa, aakharadiisa, iyo noloshiisaba. Hadaba waa in kuwaas Alle laga hoos galaa, lagana digtoonaadaa. Abuu Darri waxa laga wariyay inuu yidhi: waxaan u imid Rasuulkii Alle «naxariis iyo nabad gelyo korkiisa Alle ha yeelee» oo masjidka jooga markaasaan fariistay wuxuuna yidhi: «Abuu Dar ma tukatay?» Waxaan idhi: maya, wuxuu yidhi: «istaag oo tuko» wuxuu yidhi: waan istaagay oo waan tukaday, waana fariistay, markaasuu yidhi: «Abuudar ka magangal Alle sharka shayaadiinta insiga iyo jinniga», markaasuu yidhi waxaan idhi: Rasuulki Allow insigu ma shayaadiin buu leeyahay? Markaasuu yidhi: «haa». Waxaa wariyay Imaam Axmad iyo Ibnu Maajah.
Qoraalka Carabiga: Tanzil (Uthmani). Tarjumaad: Shaikh Mahmoud Mohammad Abdo · archive.org upload (quran-somali). Tajwiidka: Quran.com. Codka: MP3Quran, Abdirashid Ali Sufi.
Numbered Somali verses transcribed from the page images of the 2020 archive.org quran-somali book and audited independently against the same images; not OCR. Scan-supported source evidence, not character-perfect certification. Commentary excluded; redistribution rights unverified.