Al-FilSuurad 105 · 5 aayadood
Habaynta
Faahfaahinta suuradda
Meesha la dejiyey
Makkah (Makki)
Kaalinta nuurista
19 / 114
Aayadaha
5
Bogagga Mushafka
601
Macnaha magaca
The Elephant
Meesha iyo kaalinta nuurista: Quran.com. Bogagga: Mushafka Madiina (604 bog).

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista

105:1

أَلَمْ تَرَ كَيْفَ فَعَلَ رَبُّكَ بِأَصْحَٰبِ ٱلْفِيلِ

Ma ogtahay sida Rabbigaa ku falay asaxaabtii maroodiga «colkii».

105:2

أَلَمْ يَجْعَلْ كَيْدَهُمْ فِى تَضْلِيلٍ

Miyaan Alle ka yeelin dhagartoodii wax dhumay.

105:3

وَأَرْسَلَ عَلَيْهِمْ طَيْرًا أَبَابِيلَ

Oosan ku dirin korkooda shimbiro kooxa ah.

105:4

تَرْمِيهِم بِحِجَارَةٍ مِّن سِجِّيلٍ

Kuna tuuraysa dhagaxyo la kululeeyay.

105:5

فَجَعَلَهُمْ كَعَصْفٍ مَّأْكُولٍۭ

Markaas Alle ka yeelay bal la daaqay sidiis.

Tafsiirka aayadaha 1–5

Suuraddani waxay ka warrami arrin dhacday Nabiga dhalashaddiisii wax yar ka hor, (naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Alle ha yeelee) oo ah in gaal xabashi ah yaman ka soo duulay si uu u soo dumiyo kacbada sharafta leh, markuu Maka ku soo dhawyahayna Alle ku sii daayay shimbiro dhagaxyo ku tuuri colkiina saa ku jabay, kacbadiina nabadgashay. Arrintaasu la yaab ma leh, maxaa yeelay Alle isagaa awood leh, immisayse dhacday wax shimbiro ka yar intay wax halaageen.

Ilaha

Qoraalka Carabiga: Tanzil (Uthmani). Tarjumaad: Shaikh Mahmoud Mohammad Abdo · archive.org upload (quran-somali). Tajwiidka: Quran.com. Codka: MP3Quran, Abdirashid Ali Sufi.

Numbered Somali verses transcribed from the page images of the 2020 archive.org quran-somali book and audited independently against the same images; not OCR. Scan-supported source evidence, not character-perfect certification. Commentary excluded; redistribution rights unverified.