QurayshSuurad 106 · 4 aayadood
Habaynta
Faahfaahinta suuradda
Meesha la dejiyey
Makkah (Makki)
Kaalinta nuurista
29 / 114
Aayadaha
4
Bogagga Mushafka
602
Macnaha magaca
Quraysh
Meesha iyo kaalinta nuurista: Quran.com. Bogagga: Mushafka Madiina (604 bog).

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista

106:1

لِإِيلَٰفِ قُرَيْشٍ

Caadaysigii qureesheed.

106:2

إِۦلَٰفِهِمْ رِحْلَةَ ٱلشِّتَآءِ وَٱلصَّيْفِ

Ay ka caada yeesheen safarka xagaaga iyo jiilaalka darteed.

106:3

فَلْيَعْبُدُوا۟ رَبَّ هَٰذَا ٱلْبَيْتِ

Ha u caabudeen Rabbiga beydkan (kacbada).

106:4

ٱلَّذِىٓ أَطْعَمَهُم مِّن جُوعٍ وَءَامَنَهُم مِّنْ خَوْفٍۭ

Allihii ka quudiyay gaajo, kana aammin galiyay cabsi.

Tafsiirka aayadaha 1–4

Alle isagaa abuuray dadka isagaana quudiya, halkanna wuxuu ku mannaystay oo xusuusiyay qurayshtii reer Makaad siduu Alle ugu nicmeeyay, taasoo ah inuu kulmiyay, baahina ka quudiyay, cabsina ka nabadgaliyay, si ay Alle ugu mahad-naqaanna ay waajib tahay inay caabudaan, ruuxii Alle u nicmeeyana shukrigeedaa ku waajib ah. Rasuulkii Alle na «naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Alle ha yeelee» wuxuu akhriyay suuraddan markaasuu yidhi: magaciin ba’ qureysheey caabuda Rabbiga beydkan, idinka quudiyay gaajo, idinkana aammin yeelay cabsi.

Ilaha

Qoraalka Carabiga: Tanzil (Uthmani). Tarjumaad: Shaikh Mahmoud Mohammad Abdo · archive.org upload (quran-somali). Tajwiidka: Quran.com. Codka: MP3Quran, Abdirashid Ali Sufi.

Numbered Somali verses transcribed from the page images of the 2020 archive.org quran-somali book and audited independently against the same images; not OCR. Scan-supported source evidence, not character-perfect certification. Commentary excluded; redistribution rights unverified.