أَرَءَيْتَ ٱلَّذِى يُكَذِّبُ بِٱلدِّينِ
Ka warrama kan beenin abaalmarinta (qiyaamada).
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
أَرَءَيْتَ ٱلَّذِى يُكَذِّبُ بِٱلدِّينِ
Ka warrama kan beenin abaalmarinta (qiyaamada).
فَذَٰلِكَ ٱلَّذِى يَدُعُّ ٱلْيَتِيمَ
Kaas xooga agoonta (xaqeeda).
وَلَا يَحُضُّ عَلَىٰ طَعَامِ ٱلْمِسْكِينِ
Aan kuna boorrinaynin quudinta miskiinka.
فَوَيْلٌ لِّلْمُصَلِّينَ
Waxaa halaag u sugnaaday kuwa tukan (waa munaafiqiinta).
ٱلَّذِينَ هُمْ عَن صَلَاتِهِمْ سَاهُونَ
Ee haddana halmaansan salaaddooda (oon waqtigeeda ku tukan).
ٱلَّذِينَ هُمْ يُرَآءُونَ
Dadkana is tusiya.
وَيَمْنَعُونَ ٱلْمَاعُونَ
Una diida alaabta (laysugu kaalmeeyo).
Abaalmarinta oo la beeniyo, agoontoo la dhibo, masaakiintoon wax lagu sadaqaysanin, salaaddoo layska hilmaamo, dadkoo lays tustusiyo iyo weelasha iyo kaalmadoo la ceshado waa arrimo xun xun oyna wanaagsanayn in loo dhawaado. Rasuulkii Alle na wuxuu yidhi «naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Alle ha yeelee»: «ruuxii dadka maqashiiya camalkiisa Alle na wuxuu maqashiiyaa khalqigiisa wuuna xaqiraa wuuna yareeyaa» waxaa wariyay Imaam Axmad.
Qoraalka Carabiga: Tanzil (Uthmani). Tarjumaad: Shaikh Mahmoud Mohammad Abdo · archive.org upload (quran-somali). Tajwiidka: Quran.com. Codka: MP3Quran, Abdirashid Ali Sufi.
Numbered Somali verses transcribed from the page images of the 2020 archive.org quran-somali book and audited independently against the same images; not OCR. Scan-supported source evidence, not character-perfect certification. Commentary excluded; redistribution rights unverified.