إِنَّآ أَعْطَيْنَٰكَ ٱلْكَوْثَرَ
Annagaa ku siinnay Nabiyow waadi janno (iyo khayr badan).
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
إِنَّآ أَعْطَيْنَٰكَ ٱلْكَوْثَرَ
Annagaa ku siinnay Nabiyow waadi janno (iyo khayr badan).
فَصَلِّ لِرَبِّكَ وَٱنْحَرْ
Ee u tuko Allehaa dartiis, waxna u gawrac.
إِنَّ شَانِئَكَ هُوَ ٱلْأَبْتَرُ
Ruuxii ku necebna waa mid cidhib beelay.
Alle wuxuu ugu nicmeeyay Nabigiisa Muxammad ah «naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Alle ha yeelee» waadi janno, wuxuuna faray in shukri dartiis uu u tukado salaaddana daa’imo, waxna gawraco, wuxuuna u sheegay in ruuxii la collooba uu cidhib-beeli. Ibnu-Cumar wuxuu yidhi: waxaa Alle Nabiga siiyay wabi ku yaal jannada oo labadiisa dhinac dahab iyo fiddo yihiin, oo jowhar daadin, biyihiisuna ka cad yihiin caano, kana macaan yihiin malab. Waxaa wariyay Tirmidi.
Qoraalka Carabiga: Tanzil (Uthmani). Tarjumaad: Shaikh Mahmoud Mohammad Abdo · archive.org upload (quran-somali). Tajwiidka: Quran.com. Codka: MP3Quran, Abdirashid Ali Sufi.
Numbered Somali verses transcribed from the page images of the 2020 archive.org quran-somali book and audited independently against the same images; not OCR. Scan-supported source evidence, not character-perfect certification. Commentary excluded; redistribution rights unverified.