Al-KafirunSuurad 109 · 6 aayadood
Habaynta
Faahfaahinta suuradda
Meesha la dejiyey
Makkah (Makki)
Kaalinta nuurista
18 / 114
Aayadaha
6
Bogagga Mushafka
603
Macnaha magaca
The Disbelievers
Meesha iyo kaalinta nuurista: Quran.com. Bogagga: Mushafka Madiina (604 bog).

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista

109:1

قُلْ يَٰٓأَيُّهَا ٱلْكَٰفِرُونَ

Waxaad dhahdaa, gaalooy.

109:2

لَآ أَعْبُدُ مَا تَعْبُدُونَ

Ma caabudayo waxaad caabudaysaan.

109:3

وَلَآ أَنتُمْ عَٰبِدُونَ مَآ أَعْبُدُ

Idinna ma caabudaysaan Allaha aan caabudi.

109:4

وَلَآ أَنَا۠ عَابِدٌ مَّا عَبَدتُّمْ

Mana caabudin waxaad caabuddeen.

109:5

وَلَآ أَنتُمْ عَٰبِدُونَ مَآ أَعْبُدُ

Idinkuna (hadda) ma caabudaysaan Allaha aan caabudi.

109:6

لَكُمْ دِينُكُمْ وَلِىَ دِينِ

Idinkana diintiinna yaad leedihiin (oo idiin gaar ah, beri ayaanan ka ahay), anna diintaydaan leeyahay (oo ii gaar ah, ilamana wadaagtaan, aayaddana kuma jirto in gaalnimadooda la oggol yahay).

Tafsiirka aayadaha 1–6

Suuraddani waxay soo dagtay markii gaaladii quraysheed ay Nabiga waydiisteen inuu ilaahyadooda (sanamyadooda) sano caabudo, iyana Ilaahiisa ay sano caabudaan, markaasaa Alle soo dajiyay suuraddan, maxaa yeelay Ilaahay wax ka soo hadhay oo la caabudo ama laga macbuud yeesho ma aha isku soo dhawaansho, ee waxaa isku soo dhawaansha ah xumaantoo laga tago, iyo wanaaggoo la raaco, waxayna ku tusin suuraddu inaan ruuxna qasab lagu islaaminin. Rasuulkii Alle na wuxuu ahaa «naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Alle ha yeelee» markuu seexanayo kii akhriya suuraddan ilaa uu ka dhammeeyo. Waxaa wariyay Dabaraani.

Ilaha

Qoraalka Carabiga: Tanzil (Uthmani). Tarjumaad: Shaikh Mahmoud Mohammad Abdo · archive.org upload (quran-somali). Tajwiidka: Quran.com. Codka: MP3Quran, Abdirashid Ali Sufi.

Numbered Somali verses transcribed from the page images of the 2020 archive.org quran-somali book and audited independently against the same images; not OCR. Scan-supported source evidence, not character-perfect certification. Commentary excluded; redistribution rights unverified.