An-NasrSuurad 110 · 3 aayadood
Habaynta
Faahfaahinta suuradda
Meesha la dejiyey
Madiina (Madani)
Kaalinta nuurista
114 / 114
Aayadaha
3
Bogagga Mushafka
603
Macnaha magaca
The Divine Support
Meesha iyo kaalinta nuurista: Quran.com. Bogagga: Mushafka Madiina (604 bog).

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista

110:1

إِذَا جَآءَ نَصْرُ ٱللَّهِ وَٱلْفَتْحُ

Markuu yimaaddo gargaarkii Alle iyo fatxiga (furashada Maka).

110:2

وَرَأَيْتَ ٱلنَّاسَ يَدْخُلُونَ فِى دِينِ ٱللَّهِ أَفْوَاجًا

Ood aragtid dadkoo diinta Alle u soo gali kooxo.

110:3

فَسَبِّحْ بِحَمْدِ رَبِّكَ وَٱسْتَغْفِرْهُ إِنَّهُۥ كَانَ تَوَّابًۢا

U tasbiixso Alle adoo ku mahadin dambidhaafna waydiiso illeen waa dambidhaaf badanee.

Tafsiirka aayadaha 1–3

Suuraddani waxay soo dagtay ayaamihii u dambeeyay ee noloshii Nabiga naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Alle ha yeelee, isagoo Alle fari in marka magaalada barakaysan ee maka la soo celiyo dadkuna islaannimada koox koox u galaan inuu Nabigu cibaadada Alle badiyo kana toobad dalbo. Waxayna ku tusin suuraddu nicmadoo lagu shukriyo, iyo in Alle diintiisa u gargaari, waxaa kaloy ku tusisay ajashii Nabiga ammaan iyo naxariis korkiisa Alle ha yeelee. Nin daris u ahaa Jaabir bini Cabdillaahi yaa wuxuu yidhi: waxaan ka soo galay safar markaasuu ii yimid Jaabir bini Cabdillaahi ina salaamay, markaasaan uga sheekeeyay suu dadku u kala tagay iyo waxay la yimaadeen markaasuu Jaabir ooyay, isagoo leh: waxaan Rasuulkii Alle ka maqlay naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Alle ha yeelee isagoo leh (dadku waxay ku galeen diinta Alle kooxo, waxayna uga bixi doonaan kooxo). Waxaa wariyay Imaam Axmad.

Ilaha

Qoraalka Carabiga: Tanzil (Uthmani). Tarjumaad: Shaikh Mahmoud Mohammad Abdo · archive.org upload (quran-somali). Tajwiidka: Quran.com. Codka: MP3Quran, Abdirashid Ali Sufi.

Numbered Somali verses transcribed from the page images of the 2020 archive.org quran-somali book and audited independently against the same images; not OCR. Scan-supported source evidence, not character-perfect certification. Commentary excluded; redistribution rights unverified.