تَبَّتْ يَدَآ أَبِى لَهَبٍ وَتَبَّ
Waxaa khasaaray gacmihii abuulahab, halaagmayna.
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
تَبَّتْ يَدَآ أَبِى لَهَبٍ وَتَبَّ
Waxaa khasaaray gacmihii abuulahab, halaagmayna.
مَآ أَغْنَىٰ عَنْهُ مَالُهُۥ وَمَا كَسَبَ
Waxna uma tarin xoolihiisii iyo wuxuu kasbadayna.
سَيَصْلَىٰ نَارًا ذَاتَ لَهَبٍ
Wuxuuna gali naar olol leh.
وَٱمْرَأَتُهُۥ حَمَّالَةَ ٱلْحَطَبِ
Haweenaydiisii qoryaha (qodxaha leh) xambaari jirtayna (si ay Nabiga u waxyeelleyso, waxay gali naar).
فِى جِيدِهَا حَبْلٌ مِّن مَّسَدٍۭ
Luqunteedana waxaa la yeeli xadhig liif ah.
Suuraddani waxay soo dagtay Nabigu naxariis iyo nabadgalyo korkiisa Alle ha yeelee mar uu koray goor subax ah buurta Safa dadkana u yeedhay kuna yidhi: haddaan col idin soo weerari idiin sheego ma i rumaysanaysaan, markaasay dheheen waannu ku rumaysan runna waannu kugu naqaannaa, markaasuu yidhi: haddaba waxaan idiinka digi caddibaadda Alle, Abuu Lahabbaa markaa yidhi: khasaare ha kugu dhecee ma waxaasaad noogu yeedhay? Waxayna ku tusin suuraddu inaan qaraabannimo iyo xoolo, iyo carruur midna wax taraynin hadduu ruux dhumo xaqana ka leexdo, sida Abii-Lahab iyo haweenaydiisii xumaanta ku taageertay.
Qoraalka Carabiga: Tanzil (Uthmani). Tarjumaad: Shaikh Mahmoud Mohammad Abdo · archive.org upload (quran-somali). Tajwiidka: Quran.com. Codka: MP3Quran, Abdirashid Ali Sufi.
Numbered Somali verses transcribed from the page images of the 2020 archive.org quran-somali book and audited independently against the same images; not OCR. Scan-supported source evidence, not character-perfect certification. Commentary excluded; redistribution rights unverified.