Al-IkhlasSuurad 112 · 4 aayadood
Habaynta
Faahfaahinta suuradda
Meesha la dejiyey
Makkah (Makki)
Kaalinta nuurista
22 / 114
Aayadaha
4
Bogagga Mushafka
604
Macnaha magaca
The Sincerity
Meesha iyo kaalinta nuurista: Quran.com. Bogagga: Mushafka Madiina (604 bog).

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista

112:1

قُلْ هُوَ ٱللَّهُ أَحَدٌ

Waxaad dhahdaa (Nabiyow) Alle waa kali (wehelna ma leh).

112:2

ٱللَّهُ ٱلصَّمَدُ

Waana sayid dhammaystiran (oo deeqtoon).

112:3

لَمْ يَلِدْ وَلَمْ يُولَدْ

Alle wax ma dhalin, isna lama dhalin.

112:4

وَلَمْ يَكُن لَّهُۥ كُفُوًا أَحَدٌۢ

Wax la mid ahna ma jiro.

Tafsiirka aayadaha 1–4

Suuraddani waa suurad gaaban, hasa yeeshee waa suurad aad iyo aad u wayn, waxayna soo dagtay markay gaaladii qureesheed Nabiga ku dheheen Rabbigaada noo tilmaan, wuxuuna Alleheen ku caddeeyay suuraddan inuu kali yahay, maxaa yeelay wehel uma baahna, inuu sayid kaaftoon yahay dadkuna u baahan yihiin, inuusan wax dhalin siday gaalada qaarkood sheegtay, wax la mid ahna uusan jirin. Bukhaari wuxuu wariyey inaan Alle cidna uga adkaysin badnayn dhibuu maqlay, ilmay u sheegeen isna wuu arsuqaa oo caafiyaa. Hadalkii Alle ee qudsiga ahaa waxaa ku sugnaaday: ibnu Aadam wuu i beeniyey kumana habboona, wuuna i caayey kumana habboona, beenintiisu waa inuu yidhi iima soo celiyo siduu igu billaabay, billawguna iigama fududa soo celinta, caydiisuna waa inuu yidhi: Alle ilmuu yeeshay, anna waxaan ahay keli, sayid ah, mana dhalin laymana dhalin, wax ila mid ahna ma jiro. Waxaa wariyey Bukhaari.

Ilaha

Qoraalka Carabiga: Tanzil (Uthmani). Tarjumaad: Shaikh Mahmoud Mohammad Abdo · archive.org upload (quran-somali). Tajwiidka: Quran.com. Codka: MP3Quran, Abdirashid Ali Sufi.

Numbered Somali verses transcribed from the page images of the 2020 archive.org quran-somali book and audited independently against the same images; not OCR. Scan-supported source evidence, not character-perfect certification. Commentary excluded; redistribution rights unverified.