يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ لَا تُقَدِّمُوا۟ بَيْنَ يَدَىِ ٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦ وَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ إِنَّ ٱللَّهَ سَمِيعٌ عَلِيمٌ
Kuwa xaqa rumeeyow ha ku dagdagina Alle iyo Rasuulkiisa hortood (waxayan fasixin), Alle na ka dhawrsada illeen wax walba wuu maqli wuuna og yahaye.
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ لَا تَرْفَعُوٓا۟ أَصْوَٰتَكُمْ فَوْقَ صَوْتِ ٱلنَّبِىِّ وَلَا تَجْهَرُوا۟ لَهُۥ بِٱلْقَوْلِ كَجَهْرِ بَعْضِكُمْ لِبَعْضٍ أَن تَحْبَطَ أَعْمَٰلُكُمْ وَأَنتُمْ لَا تَشْعُرُونَ
Kuwa xaqa rumeeyow ha ka koryeelina codkiinna codka Nabiga, hana kula jahrina (qaylyina) hadal sida qaarkiin qaar ugula jahro (qaylyo) si aan camalkiinnu u burin idinkoon ogayn.
إِنَّ ٱلَّذِينَ يَغُضُّونَ أَصْوَٰتَهُمْ عِندَ رَسُولِ ٱللَّهِ أُو۟لَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ ٱمْتَحَنَ ٱللَّهُ قُلُوبَهُمْ لِلتَّقْوَىٰ لَهُم مَّغْفِرَةٌ وَأَجْرٌ عَظِيمٌ
Kuwa codkooda hoos u dhiga Rasuulka agtiisa kuwaasi waa kuwo Alle imtixaanay quluubtooda dhawrsasho darteed, waxayna mudan yihiin dambi dhaaf iyo ajri wayn.
إِنَّ ٱلَّذِينَ يُنَادُونَكَ مِن وَرَآءِ ٱلْحُجُرَٰتِ أَكْثَرُهُمْ لَا يَعْقِلُونَ
Kuwa kaaga dhawaaqi qolalka gadaashooda badankoodu wax ma kasayaan.
وَلَوْ أَنَّهُمْ صَبَرُوا۟ حَتَّىٰ تَخْرُجَ إِلَيْهِمْ لَكَانَ خَيْرًا لَّهُمْ وَٱللَّهُ غَفُورٌ رَّحِيمٌ
Hadday samraan intaad uga soo bixi yaa u khayr badnaan lahayd, Alle na waa dambi dhaafe naxariista.
Tafsiirka aayadaha 1–5
Ruuxa mu’minka xaqa ah waa inuu Alle u hoggaansamo Rasuulkiisana ka danbeeyo, waxaan Alle iyo Rasuulkiisu bannaynna (xalaalaynin) lagu deg degin waana in si adab iyo xushmad ah loo qaddariyaa Nabiga, si fiicanna looga asluubsadaa Alle quraankiisa iyo Nabiga qoowlkiisa. Aayadahanna dhammaan waxay mu’miniinta ku hanuunin waynaynta Alle iyo tixgalinta Nabiga iyo addeeciddooda, si loogu liibaano adduunka.
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ إِن جَآءَكُمْ فَاسِقٌۢ بِنَبَإٍ فَتَبَيَّنُوٓا۟ أَن تُصِيبُوا۟ قَوْمًۢا بِجَهَٰلَةٍ فَتُصْبِحُوا۟ عَلَىٰ مَا فَعَلْتُمْ نَٰدِمِينَ
Kuwa xaqa rumeeyow hadduu idiinla yimaaddo faasiq war, hubsada, si aydaan dad u dhibin ogaansho la’aan, markaasna aad shallaydaan waxaad fasheen.
وَٱعْلَمُوٓا۟ أَنَّ فِيكُمْ رَسُولَ ٱللَّهِ لَوْ يُطِيعُكُمْ فِى كَثِيرٍ مِّنَ ٱلْأَمْرِ لَعَنِتُّمْ وَلَٰكِنَّ ٱللَّهَ حَبَّبَ إِلَيْكُمُ ٱلْإِيمَٰنَ وَزَيَّنَهُۥ فِى قُلُوبِكُمْ وَكَرَّهَ إِلَيْكُمُ ٱلْكُفْرَ وَٱلْفُسُوقَ وَٱلْعِصْيَانَ أُو۟لَٰٓئِكَ هُمُ ٱلرَّٰشِدُونَ
Ogaadana in Rasuulkii Alle idin dhex joogo, hadduu idinku addeeco waxyaala badanna aad dhibboonaysaan, wuxuuse Alle idinla jeclaaday iimaan, kuna qurxiyay quluubtiinna, wuxuuna idinla nacay gaalnimo, faasiqnimo iyo caasinnimo, kuwaasina waa kuwa hanuunsan.
فَضْلًا مِّنَ ٱللَّهِ وَنِعْمَةً وَٱللَّهُ عَلِيمٌ حَكِيمٌ
Waa fadliga (siinta) Alle iyo naxariistiisa, Alle na wax walba waa ogyahay, waana falsame.
وَإِن طَآئِفَتَانِ مِنَ ٱلْمُؤْمِنِينَ ٱقْتَتَلُوا۟ فَأَصْلِحُوا۟ بَيْنَهُمَا فَإِنۢ بَغَتْ إِحْدَىٰهُمَا عَلَى ٱلْأُخْرَىٰ فَقَٰتِلُوا۟ ٱلَّتِى تَبْغِى حَتَّىٰ تَفِىٓءَ إِلَىٰٓ أَمْرِ ٱللَّهِ فَإِن فَآءَتْ فَأَصْلِحُوا۟ بَيْنَهُمَا بِٱلْعَدْلِ وَأَقْسِطُوٓا۟ إِنَّ ٱللَّهَ يُحِبُّ ٱلْمُقْسِطِينَ
Hadday laba qolo oo mu’miniita ah dagaallamaan heshiisiiya dhexdooda, hadday midu ku xadgudubto tan kale la dirira tan xadgubtay intay amarka Alle uga noqoto (xaqa aqoonsato), hadday u noqotana si caddaalad ah u wanaajiya dhexdoooda una garsoora, Alle wuxuu jecel yahay kuwa garsooree.
إِنَّمَا ٱلْمُؤْمِنُونَ إِخْوَةٌ فَأَصْلِحُوا۟ بَيْنَ أَخَوَيْكُمْ وَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ لَعَلَّكُمْ تُرْحَمُونَ
Mu’miniintu waa uun walaalo, ee wanaajiya walaalihiin dhexdooda, Alle na ka dhawrsada, waxaad u dhawdihiin inuu idiin naxariistee.
Tafsiirka aayadaha 6–10
Ruuxa mu’minka ah waa inuusan maqlin kutidhi kuteen iyo sheeko, si uusan dad kale meel ugaga dhicin, markaasna nidaamo iyo shallayto ugu dambayn, waase in wax la hubsadaa, kitaabka Alle iyo sunnada Nabigana la raaco, lana toosnaado oo xumaanta iyo gaalnimada laga fogaado, si mu’min dhab ah loo noqdo, dadka mu’miniinta ahna waa walaalo, waana inay is jeclaadaan isna gargaaraan, siduu Nabigu (ammaan iyo nabadgalyo korkiisa Alle ha yelee) yidhi: «muslimku waa walaalka muslimka, yuuna dulmiyin, yuunana dhiibin», cidda gardaranna la qabto wanaagna mu'miniinta dhexdooda la yeelo illeen waa walaalee.
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ لَا يَسْخَرْ قَوْمٌ مِّن قَوْمٍ عَسَىٰٓ أَن يَكُونُوا۟ خَيْرًا مِّنْهُمْ وَلَا نِسَآءٌ مِّن نِّسَآءٍ عَسَىٰٓ أَن يَكُنَّ خَيْرًا مِّنْهُنَّ وَلَا تَلْمِزُوٓا۟ أَنفُسَكُمْ وَلَا تَنَابَزُوا۟ بِٱلْأَلْقَٰبِ بِئْسَ ٱلِٱسْمُ ٱلْفُسُوقُ بَعْدَ ٱلْإِيمَٰنِ وَمَن لَّمْ يَتُبْ فَأُو۟لَٰٓئِكَ هُمُ ٱلظَّٰلِمُونَ
Kuwa xaqa rumeeyow yuuna yasin ragna rag (kale) waxay u dhawdahay inuu ka khayr badan yahaye, haweenna yayna haween yasin waxay u dhawyihiin inay ka khayr badan yihiine, hana ceebeynina naftiinna, hana isugu dhawaaqina naanays xun, waxaa xun magaca faasiqnimada iimaan kadib, ciddaan tawbad keeninna waa daalimiin.
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ ٱجْتَنِبُوا۟ كَثِيرًا مِّنَ ٱلظَّنِّ إِنَّ بَعْضَ ٱلظَّنِّ إِثْمٌ وَلَا تَجَسَّسُوا۟ وَلَا يَغْتَب بَّعْضُكُم بَعْضًا أَيُحِبُّ أَحَدُكُمْ أَن يَأْكُلَ لَحْمَ أَخِيهِ مَيْتًا فَكَرِهْتُمُوهُ وَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ إِنَّ ٱللَّهَ تَوَّابٌ رَّحِيمٌ
Kuwa xaqa rumeeyow ka dhawrsada wax badan oo mala ah, maxaa yeelay malaha qaarkiis waa dambi, hana is jaasuusina, qaarkiinna qaar yuusan xamannin, miyuu jecel yahay midkiinna inuu cuno hilibka walaalkiis oo mayd ah, waad neceb tihiin arrintaa, Alle na ka dhawrsada waa tooba aqbale naxariistee.
يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ إِنَّا خَلَقْنَٰكُم مِّن ذَكَرٍ وَأُنثَىٰ وَجَعَلْنَٰكُمْ شُعُوبًا وَقَبَآئِلَ لِتَعَارَفُوٓا۟ إِنَّ أَكْرَمَكُمْ عِندَ ٱللَّهِ أَتْقَىٰكُمْ إِنَّ ٱللَّهَ عَلِيمٌ خَبِيرٌ
Dadow waxaan idinka abuurray lab iyo dhaddig, waxaanna idinka yeellay shucuub iyo qabiilooyin si aad isu aqoonsataan, ruuxase ugu sharaf badan Alle agtiisa waa ka idiinku dhawrsasho badan, Alle na wax walba waa ogyahay.
Tafsiirka aayadaha 11–13
Aayadahani waa aayado la yaab leh, oo mu’miniinta ku toosin kuna hanuunin waddada wanaagsan, ugana digi jidka xun sida xaqiraadda, yasidda, naanays xun isugu yeedhidda, is ceebeynta, tuhunka, malaha badan, iyo isjaasuusidda, dhammaan waxyaalahaasuna waa wax ku xun diinta islaamka, ruuxa mu’minka xaqa ahna waa inuu ka fogaadaa dhibka walaalihiisa muslimka iyo xumayntiisa siduu Nabigu yidhi (ammaan iyo nabadgalyo korkiisa Alle ha yeelee): «ruuxa muslinka ah waa ka xaaraan muslimka, xoolihiisa, sharaftiisa iyo dhiiggiisaba, waxaana shar ugu filan ruux inuu xaqiro walaalkiisa muslimka ah». Waxaa wariyay abuu Daawuud iyo Tirmidi.
قَالَتِ ٱلْأَعْرَابُ ءَامَنَّا قُل لَّمْ تُؤْمِنُوا۟ وَلَٰكِن قُولُوٓا۟ أَسْلَمْنَا وَلَمَّا يَدْخُلِ ٱلْإِيمَٰنُ فِى قُلُوبِكُمْ وَإِن تُطِيعُوا۟ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ لَا يَلِتْكُم مِّنْ أَعْمَٰلِكُمْ شَيْـًٔا إِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٌ رَّحِيمٌ
Waxay dheheen ree baadiyihii carbeed waan rumaynay (xaqa), waxaad ku dhahdaa maydaan rumaynin, laakiin dhaha waan hoggaansannay, iimaankuna wali quluubtiinna ma galin, haddaadse adeecdaan Alle iyo Rasuulkiisa kama nusqaamiyo camalkiinna waxba, Alle na waa dambi dhaafe naxariista.
إِنَّمَا ٱلْمُؤْمِنُونَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ بِٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦ ثُمَّ لَمْ يَرْتَابُوا۟ وَجَٰهَدُوا۟ بِأَمْوَٰلِهِمْ وَأَنفُسِهِمْ فِى سَبِيلِ ٱللَّهِ أُو۟لَٰٓئِكَ هُمُ ٱلصَّٰدِقُونَ
Kuwa mu’miniinta ah waa kuwa uun rumeeyay Alle iyo Rasuulkiisa oon shakiyin, kuna jahaada xoolahooda iyo naftooda jidka Alle dartiis, kuwaasi waa kuwa runlowga ah.
قُلْ أَتُعَلِّمُونَ ٱللَّهَ بِدِينِكُمْ وَٱللَّهُ يَعْلَمُ مَا فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِى ٱلْأَرْضِ وَٱللَّهُ بِكُلِّ شَىْءٍ عَلِيمٌ
Waxaad dhahdaa ma Alle ayaad u sheegeysaan diintiinna isagoo og waxa samaawaadka iyo dhulkaba ku sugan, Alle na wax walba waa ogyahay.
يَمُنُّونَ عَلَيْكَ أَنْ أَسْلَمُوا۟ قُل لَّا تَمُنُّوا۟ عَلَىَّ إِسْلَٰمَكُم بَلِ ٱللَّهُ يَمُنُّ عَلَيْكُمْ أَنْ هَدَىٰكُمْ لِلْإِيمَٰنِ إِن كُنتُمْ صَٰدِقِينَ
Waxay kugu mannaysan inay islaameen, waxaad dhahdaa haygu mannaysannina islaamkiinna, Alle ayaa manna idinku leh inuu idinku hanuuniyay iimaanka haddaad run sheegeysaan.
إِنَّ ٱللَّهَ يَعْلَمُ غَيْبَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَٱللَّهُ بَصِيرٌۢ بِمَا تَعْمَلُونَ
Alle waa ogyahay waxa samaawaadka ku maqan iyo dhulkaba, Alle na waa arkaa waxaad camal falaysaan.
Tafsiirka aayadaha 14–18
Xaq rumaynta iyo Alle aqoontu ma aha wax ruux walba iska sheegan, ee waxay u baahan tahay camal fal iyo iimaan dhab ah, waana inaan la noqonin kuwo daahirka ka muslin ah hoostana aan iimaanku qalbigooda xoog ku yeelan, sida kuwa aayaddu sheegeyso. Mu’minka runta ah waa ka xaqa si dhab ah u rumeeyay shakina galin, xoolihiisa iyo naftiisana jidka Alle ugu jihaada, cid walbana Alle waa ogyahay wuxuu yahay umana baahna in looga warramo, illeen isagaa wax walba oge, islaamnimadana cidna ha ku mannaysan adaaba Alle kuu sama falaye markuu kugu hanuuniyay jidka toosan, isagaana manno kugu leh. Siduu Nabigu yidhi (ammaan iyo nabadgalyo korkiisa Alle ha yeelee): ansaareey miyaanan idin helin idinkoo baadi ah oo Alle igu kiin hanuuniyay iyo idinkoo kala tagsan oo Alle igu kiin kulmiyay, ood caydh ahaydeen oo Alle igu kiin hodmiyay, markuu hadal dhahaba waxay dhahayeen: Alle iyo Rasuulkiisa yaa manno leh. Bukhaari iyo Muslim.