يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ لَا تَتَّخِذُوا۟ عَدُوِّى وَعَدُوَّكُمْ أَوْلِيَآءَ تُلْقُونَ إِلَيْهِم بِٱلْمَوَدَّةِ وَقَدْ كَفَرُوا۟ بِمَا جَآءَكُم مِّنَ ٱلْحَقِّ يُخْرِجُونَ ٱلرَّسُولَ وَإِيَّاكُمْ أَن تُؤْمِنُوا۟ بِٱللَّهِ رَبِّكُمْ إِن كُنتُمْ خَرَجْتُمْ جِهَٰدًا فِى سَبِيلِى وَٱبْتِغَآءَ مَرْضَاتِى تُسِرُّونَ إِلَيْهِم بِٱلْمَوَدَّةِ وَأَنَا۠ أَعْلَمُ بِمَآ أَخْفَيْتُمْ وَمَآ أَعْلَنتُمْ وَمَن يَفْعَلْهُ مِنكُمْ فَقَدْ ضَلَّ سَوَآءَ ٱلسَّبِيلِ
Kuwa xaqa rumeeyow ha ka dhigannina colka Alle iyo colkiinna (gaalada) sokeeye aad jacayl u gudbinaysaan, iyagoo ka gaaloobay xaqa idiin yimid, oo haddana bixiya Rasuulka iyo mu’uminiinta inaad Alle rumeeyseen darteed haddii soo bixiddiinnu ay ahayd jidka Allaah inaad ku jihaaddaan, raalli ahaanshadiisana rabtaan (gaala ha jeclaannina), kuwaas ood u qarisaan jacayl, Ilaahayna waa ogyahay waxaad qarinaysaan iyo waxaad muujinaysaanba, ruuxii saas yeelana jidka xaqa ah wuu ka dhumay.
إِن يَثْقَفُوكُمْ يَكُونُوا۟ لَكُمْ أَعْدَآءً وَيَبْسُطُوٓا۟ إِلَيْكُمْ أَيْدِيَهُمْ وَأَلْسِنَتَهُم بِٱلسُّوٓءِ وَوَدُّوا۟ لَوْ تَكْفُرُونَ
Hadday idin helaan (gaaladu) waxay idiin noqon col gacmaha iyo carrabkana xumaan bay idiinku taagi waxayna jecel yihiin inaad gaalowdaan.
لَن تَنفَعَكُمْ أَرْحَامُكُمْ وَلَآ أَوْلَٰدُكُمْ يَوْمَ ٱلْقِيَٰمَةِ يَفْصِلُ بَيْنَكُمْ وَٱللَّهُ بِمَا تَعْمَلُونَ بَصِيرٌ
Qaraabada iyo carruurtu waxba idiin ma taraan maalinta qiyaame waana laydin kala kaxayn, Ilaahayna waa arkaa waxaad camal falaysaan.
Tafsiirka aayadaha 1–3
Colka Alle iyo colkaaga inaad saaxiib ka dhigataa ma habboona, gaaladuna waxay muslimiinta kula colloobeen waa diinta islaamka ah kaliya, ruuxii muslim sheegan oo gaalo cadaw ah jacayl u qariyana waa ruux dhumay oo leexday, gaaladana sokeeyannimo ma leh ee waa in saa lala socdaa. Aayaduhuna waxay soo dageen mar Nabigu (naxariis iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha yeelee) uu u darbaday in Mako la soo furo markaas nin gaadhsiiyey ree Makaad arrintaas.
قَدْ كَانَتْ لَكُمْ أُسْوَةٌ حَسَنَةٌ فِىٓ إِبْرَٰهِيمَ وَٱلَّذِينَ مَعَهُۥٓ إِذْ قَالُوا۟ لِقَوْمِهِمْ إِنَّا بُرَءَٰٓؤُا۟ مِنكُمْ وَمِمَّا تَعْبُدُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ كَفَرْنَا بِكُمْ وَبَدَا بَيْنَنَا وَبَيْنَكُمُ ٱلْعَدَٰوَةُ وَٱلْبَغْضَآءُ أَبَدًا حَتَّىٰ تُؤْمِنُوا۟ بِٱللَّهِ وَحْدَهُۥٓ إِلَّا قَوْلَ إِبْرَٰهِيمَ لِأَبِيهِ لَأَسْتَغْفِرَنَّ لَكَ وَمَآ أَمْلِكُ لَكَ مِنَ ٱللَّهِ مِن شَىْءٍ رَّبَّنَا عَلَيْكَ تَوَكَّلْنَا وَإِلَيْكَ أَنَبْنَا وَإِلَيْكَ ٱلْمَصِيرُ
Kuwa xaqa rumeeyey waa inay ku daydaan Nabi Ibraahim iyo kuwii la jiray waa kuwii iska bari yeelay gaaladii qoonkoodii ahayd (ay isla noolaayeen) iyo waxay caabudayeen ee Alle ka soo hadhay oy colnimo u muujiyeen ilaa ay Alle kaliya ka rumeeyaan, laakiin Nabi Ibraahim wuxuu u dambi dhaaf weydiiyey aabihiis, isagoon waxba u hanan karin (intaan laga reebin arrintaas). Alle yeynu talo saaran, isagaan u toobad keenaynaa, isagaana loo noqon (aakhiro).
رَبَّنَا لَا تَجْعَلْنَا فِتْنَةً لِّلَّذِينَ كَفَرُوا۟ وَٱغْفِرْ لَنَا رَبَّنَآ إِنَّكَ أَنتَ ٱلْعَزِيزُ ٱلْحَكِيمُ
Allow hannagu fidnaynin kuwa gaaloobay, noona dambi dhaaf illeen waxaad tahay Adkaade (Casiis) Falsan.
لَقَدْ كَانَ لَكُمْ فِيهِمْ أُسْوَةٌ حَسَنَةٌ لِّمَن كَانَ يَرْجُوا۟ ٱللَّهَ وَٱلْيَوْمَ ٱلْـَٔاخِرَ وَمَن يَتَوَلَّ فَإِنَّ ٱللَّهَ هُوَ ٱلْغَنِىُّ ٱلْحَمِيدُ
Haku daydo dadkaas dayasho wanaagsan ruuxii dooni Ilaahay iyo maalinta aakhiro, ciddiise ka jeedsata xaqa Alle waa ka kaaftoon yahay waana ammaanan yahay.
Tafsiirka aayadaha 4–6
Ruuxa fiican ee sharafta leh ee Alle ka yaaba waxa wanaagsanna sameeya, xumaantana ka fogaada waa in lagu daydo sida kan xunba looga fogaado. Alle na waa in lagu xidhnaado loona toobad keeno, isagaa loo noqon gaaladana waa inaan la jeclaannin lagana digtoonaadaa.
عَسَى ٱللَّهُ أَن يَجْعَلَ بَيْنَكُمْ وَبَيْنَ ٱلَّذِينَ عَادَيْتُم مِّنْهُم مَّوَدَّةً وَٱللَّهُ قَدِيرٌ وَٱللَّهُ غَفُورٌ رَّحِيمٌ
Wuxuu Alle u dhaw yahay inuu yeelo jacayl mu’miniinta iyo kuway la colloobeen ee gaalada qureesheed ah dhexdooda, maxaa yeelay Alle wax walba waa karaa waana dambi dhaaf badane naxariis badane ah.
لَّا يَنْهَىٰكُمُ ٱللَّهُ عَنِ ٱلَّذِينَ لَمْ يُقَٰتِلُوكُمْ فِى ٱلدِّينِ وَلَمْ يُخْرِجُوكُم مِّن دِيَٰرِكُمْ أَن تَبَرُّوهُمْ وَتُقْسِطُوٓا۟ إِلَيْهِمْ إِنَّ ٱللَّهَ يُحِبُّ ٱلْمُقْسِطِينَ
Alle kama reebayo kuwa xaqa rumeeyey inay u samo iyo caddaalad falaan kuwa aan diinta kula dagaallamin guryahoodana ka bixinnin, maxaa yeelay Alle waa jecel yahay kuwa caadiliinta ah (garsoor).
إِنَّمَا يَنْهَىٰكُمُ ٱللَّهُ عَنِ ٱلَّذِينَ قَٰتَلُوكُمْ فِى ٱلدِّينِ وَأَخْرَجُوكُم مِّن دِيَٰرِكُمْ وَظَٰهَرُوا۟ عَلَىٰٓ إِخْرَاجِكُمْ أَن تَوَلَّوْهُمْ وَمَن يَتَوَلَّهُمْ فَأُو۟لَٰٓئِكَ هُمُ ٱلظَّٰلِمُونَ
Alle wuxuu ka reebi kuwa xaqa rumeeyey inay ka sokeeye yeeshaan oo xidhiidhiyaan kuwa diinta kula dagaallamay ee guryahoodii ka bixiyey gacanna ku siiyey in guryaha laga bixiyo, dadkii kuwaas sokeeye ka dhigtaa waa kuwa daalimiin ah.
Tafsiirka aayadaha 7–9
Alleheen isagaa awood leh, cidduu doonana wuu hanuuniyaa, waxaana dhacay in dad gaaladii qureesheed ka mid ah islaameen, wanaag iyo walaalnimana dhexmartay muslimiintii kale, waase inaan gaal kula dagaallamay wanaag loo samaynin, kuwase aan col muslimiinta la noqonnin gaaladana aan gacan ku siinnin dhibka muslimiinta ma reebbana in wanaag loo falo, taasina waxay ina tusin inaan kala garanno colkeenna iyo saaxiibkeenna. Xadiith waxaa ku sugnaaday: kaad jeclaan tartiib u jeclow inaad nacdaa laga yaabaa, kaad necbaanna tartiib u nac inaad jeclaataa laga yaabaa maaline. Tirmidi ayaa soo saaray.
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ إِذَا جَآءَكُمُ ٱلْمُؤْمِنَٰتُ مُهَٰجِرَٰتٍ فَٱمْتَحِنُوهُنَّ ٱللَّهُ أَعْلَمُ بِإِيمَٰنِهِنَّ فَإِنْ عَلِمْتُمُوهُنَّ مُؤْمِنَٰتٍ فَلَا تَرْجِعُوهُنَّ إِلَى ٱلْكُفَّارِ لَا هُنَّ حِلٌّ لَّهُمْ وَلَا هُمْ يَحِلُّونَ لَهُنَّ وَءَاتُوهُم مَّآ أَنفَقُوا۟ وَلَا جُنَاحَ عَلَيْكُمْ أَن تَنكِحُوهُنَّ إِذَآ ءَاتَيْتُمُوهُنَّ أُجُورَهُنَّ وَلَا تُمْسِكُوا۟ بِعِصَمِ ٱلْكَوَافِرِ وَسْـَٔلُوا۟ مَآ أَنفَقْتُمْ وَلْيَسْـَٔلُوا۟ مَآ أَنفَقُوا۟ ذَٰلِكُمْ حُكْمُ ٱللَّهِ يَحْكُمُ بَيْنَكُمْ وَٱللَّهُ عَلِيمٌ حَكِيمٌ
Kuwa xaqa rumeeyow hadday idiin yimaaddaan haween mu’minaad ah oo gaalada ka soo hijrooday (ka soo tegay) imtixaana (inay ka dhab tahay iyo in kale) Alle ayaa og iimaankooda, haddaad ogaataan inay xaqa (dhabnimo) u rumeeyeen waa inaydaan gaalada u celinnin, maxaa yeelay xalaal isuma aha, meherkiina ha u celiyeen gaalada, inaad isguursataanna waxba kuma jiro haddaad meher siinaysaan, haweenka gaalooba nikaax isuguma kiin xirna ee ha haysannina, weydiista waxaad meher u bixiseen gaaladuna ha weydiisato waxay meher u bixiyeen, xaaladdaasina waa xukunka Alle uu dhexdiinna xukumay, Ilaahayna waa ogyahay (waxa la camal falo) waana falsame.
وَإِن فَاتَكُمْ شَىْءٌ مِّنْ أَزْوَٰجِكُمْ إِلَى ٱلْكُفَّارِ فَعَاقَبْتُمْ فَـَٔاتُوا۟ ٱلَّذِينَ ذَهَبَتْ أَزْوَٰجُهُم مِّثْلَ مَآ أَنفَقُوا۟ وَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ ٱلَّذِىٓ أَنتُم بِهِۦ مُؤْمِنُونَ
Hadday u tagaan kuwa haweenkiinna ka mid ah gaalada (gaaloobaan) markaas ka dib aad gaaladii ka dabatagtaan oo aad xoolo ka soo qaniimaysataan hala siiyo kuwii haweenkoodu tageen meherki ay bixiyeen oo kale, Ilaaha aad rumaysan tihiinna ka dhawrsada.
Tafsiirka aayadaha 10–11
Gaaladu waa inayan muslimiinta awood ku yeelannin, saas daraaddeed hadday soo islaamto haweenay ninkeedu gaal yahay looma celiyo, maxaa yeelay xalaal isuma aha, waase in la imtixaamo si runta loo ogaado, markaas ka dib hadday nin muslim ah guursato dhib kuma jiro iyadoo laysu celin wixii kharash ahaa, taasuna waxay ku tusin inay waajib tahay dhawritaanka sharafta islaamka iyo ruuxa muslimka ah, waxaa kale ooy ina tusin caddaaladda islaamka xataa mucaamilada gaalada.
يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِىُّ إِذَا جَآءَكَ ٱلْمُؤْمِنَٰتُ يُبَايِعْنَكَ عَلَىٰٓ أَن لَّا يُشْرِكْنَ بِٱللَّهِ شَيْـًٔا وَلَا يَسْرِقْنَ وَلَا يَزْنِينَ وَلَا يَقْتُلْنَ أَوْلَٰدَهُنَّ وَلَا يَأْتِينَ بِبُهْتَٰنٍ يَفْتَرِينَهُۥ بَيْنَ أَيْدِيهِنَّ وَأَرْجُلِهِنَّ وَلَا يَعْصِينَكَ فِى مَعْرُوفٍ فَبَايِعْهُنَّ وَٱسْتَغْفِرْ لَهُنَّ ٱللَّهَ إِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٌ رَّحِيمٌ
Nabiyow hadday kuu yimaaddaan haween xaqa rumeeyey si ay kuugula ballantamaan inay Alle kaliya caabudaan, waxna xadin, sinaysanna, caruurtoodana dilin, been abuurna ayan la imaan, wax wanaag ah oo la farayna ayan Nabiga ku caasiyin la ballantan una dambi dhaaf weydii Alle waa dambi dhaafe naxariiste ahe.
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ لَا تَتَوَلَّوْا۟ قَوْمًا غَضِبَ ٱللَّهُ عَلَيْهِمْ قَدْ يَئِسُوا۟ مِنَ ٱلْـَٔاخِرَةِ كَمَا يَئِسَ ٱلْكُفَّارُ مِنْ أَصْحَٰبِ ٱلْقُبُورِ
Kuwa xaqa rumeeyow haka sokeeye dhigannina kuwa Alle u carooday oo aakhirana ka quustay (waa gaaloo dhane) sida gaaladu uga quusatay kuwii dhintay.
Tafsiirka aayadaha 12–13
Ruuxii xaqa rumeeyey oo la ballantama madaxda muslimka ah kuna ballan qaadi inuu xumaanta ka dheeraado wanaagna la yimaada waa in lala ballantamaa, sida Alleba faray Nabiga (naxariis iyo nabadgelyo Alle korkiisa ha yeelee) inuu haweenka muslimka ah ka oggolaado ballan qaadka, tan kale waa inaan gaalo Alle u carrooday oo aakhiro iyo maalinta abaal marinta ka quustay sokeeye iyo qaraabo laga dhigannin, illeen waxaa lugu walaaloobaa caqiidada islaamkee.