سَبَّحَ لِلَّهِ مَا فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِى ٱلْأَرْضِ وَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلْحَكِيمُ
Waxaa Ilaahay nasaha (weyneeya) waxa cirka iyo dhulka ku sugan, Alle na waa adkaade falsan.
Suuradda waa la furayaa…
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
سَبَّحَ لِلَّهِ مَا فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِى ٱلْأَرْضِ وَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلْحَكِيمُ
Waxaa Ilaahay nasaha (weyneeya) waxa cirka iyo dhulka ku sugan, Alle na waa adkaade falsan.
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ لِمَ تَقُولُونَ مَا لَا تَفْعَلُونَ
Dadka xaqa rumeeyayow maxaad u sheegaysaan wax aydaan falaynin.
كَبُرَ مَقْتًا عِندَ ٱللَّهِ أَن تَقُولُوا۟ مَا لَا تَفْعَلُونَ
Waxaa cadho weyn Alle agtiisa ku ah inaad sheegtaan wax aydaan falaynin.
إِنَّ ٱللَّهَ يُحِبُّ ٱلَّذِينَ يُقَٰتِلُونَ فِى سَبِيلِهِۦ صَفًّا كَأَنَّهُم بُنْيَٰنٌ مَّرْصُوصٌ
Alle wuxuu jecel yahay kuwa ku dagaallama jidkiisa (jihaadka) iyagoo saf ah oo aad mooddo dhismo laysku dhejiyey (midnimadooda).
Samaawaatka iyo dhulkaba wax ku sugan Ilaaheen baa abuuray. Isagayna ka amar qaataan wayna u khushuucaan, maxaa yeelay isagaa awood leh, kuwa mu’miniinta ahna waa inay wax dhab ah qabtaan oo khayr ah ee ayan sheegannin wax ayan falaynin, maxaa yeelay taas Alle ma jecla, waana in jidka xaqa ah lagu jihaado si isku duubni ah, si gargaarka Alle iyo nasrigiisa loo helo. Rasuulkuna wuxuu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha yeelee): calaamada munaafiqu waa saddex: hadduu ballamo wuu baajiyaa, hadduu sheekeeyana wuu been sheegaa, haddii la aaminana wuu khayaamaa. Waa saxiix.
وَإِذْ قَالَ مُوسَىٰ لِقَوْمِهِۦ يَٰقَوْمِ لِمَ تُؤْذُونَنِى وَقَد تَّعْلَمُونَ أَنِّى رَسُولُ ٱللَّهِ إِلَيْكُمْ فَلَمَّا زَاغُوٓا۟ أَزَاغَ ٱللَّهُ قُلُوبَهُمْ وَٱللَّهُ لَا يَهْدِى ٱلْقَوْمَ ٱلْفَٰسِقِينَ
Xusuusta markii (Nabi) Muuse ku yidhi dadkiisii maxaad ii dhibaysaan idinkoo og inaan rasuul Alle idiin ahay, markay xaqii ka iisheen yaa Alle na sii iilay qalbigooda, Ilaahayna ma hanuuniyo kuwa faasiqiinta ah.
وَإِذْ قَالَ عِيسَى ٱبْنُ مَرْيَمَ يَٰبَنِىٓ إِسْرَٰٓءِيلَ إِنِّى رَسُولُ ٱللَّهِ إِلَيْكُم مُّصَدِّقًا لِّمَا بَيْنَ يَدَىَّ مِنَ ٱلتَّوْرَىٰةِ وَمُبَشِّرًۢا بِرَسُولٍ يَأْتِى مِنۢ بَعْدِى ٱسْمُهُۥٓ أَحْمَدُ فَلَمَّا جَآءَهُم بِٱلْبَيِّنَٰتِ قَالُوا۟ هَٰذَا سِحْرٌ مُّبِينٌ
Xusuusta marka (Nabi) Ciise ibnu Maryama ku yidhi banii israa’iil: waxaan ahay rasuul Alle idiin soo diray oo rumayn kitaabkii tawraad ee horreeyey, kuna bishaarayn rasuul gadaashayda imaan oo magaciisuna yahay «Axmed», markuu xuja cad ula yimidna waxay dheheen kani waa sixir cad.
Muslimiintu waxay rumayn Nabiyadii iyo rusushii Alle khalqiga u soo diray oo dhan, iyagoon kala qaadaynin, siday u rumeeyeen kutubta Alle ee saxa ah. Waxayna aayadahanu ina tusin in xaqu mid kaliya yahay, hase yeeshee gaaladu ay kala qaybiyaan si ay qaar u beeniyaan, waxaa kale oo ku cad aayadahan in Nabi Ciise ku bishaareeyey soo bixitaanka Nabi Muxamed (naxariis iyo nabadgelyo korkiisa Alle ha yeelee), taasina waxay xuja ku tahay gaalada Nabiga beenin.
وَمَنْ أَظْلَمُ مِمَّنِ ٱفْتَرَىٰ عَلَى ٱللَّهِ ٱلْكَذِبَ وَهُوَ يُدْعَىٰٓ إِلَى ٱلْإِسْلَٰمِ وَٱللَّهُ لَا يَهْدِى ٱلْقَوْمَ ٱلظَّٰلِمِينَ
Yaa ka dulmi badan ruux ku been abuurtay Ilaahay isagoo loogu yeedhi islaamka, Alle ma hanuuniyo dadka daalimiinta ah.
يُرِيدُونَ لِيُطْفِـُٔوا۟ نُورَ ٱللَّهِ بِأَفْوَٰهِهِمْ وَٱللَّهُ مُتِمُّ نُورِهِۦ وَلَوْ كَرِهَ ٱلْكَٰفِرُونَ
Waxay doonayaan (gaaladu) inay nuurka (xaqa) Alle ku bakhtiiyaan afkooda Alle na wuu taam yeeli nuurkiisa haba naceen gaaladuye.
هُوَ ٱلَّذِىٓ أَرْسَلَ رَسُولَهُۥ بِٱلْهُدَىٰ وَدِينِ ٱلْحَقِّ لِيُظْهِرَهُۥ عَلَى ٱلدِّينِ كُلِّهِۦ وَلَوْ كَرِهَ ٱلْمُشْرِكُونَ
Alle waa kan diray Rasuulkiisa isagoo hanuun wada iyo diin xaq ah si uu (Alle) diimaha oo dhan uga sare mariyo haba naceen mushrikiintuye (gaaladu).
Xaqoo la diidaa waa dulmi iyo gardarro, mana aha in ruuxii xaqa loogu yeedho ka abaal daro oo diiddo beenin kala soo horjeedsado, hasa ahaatee wuxuu Alle ballan qaaday in xaqu sare maro gaar ahaan hanuunkii uu dunida u soo saaray isagoo u soo dhiibay Rasuulkiisii Maxamed ahaa (naxariis iyo nabadgelyo Alle korkiisa ha yeelee), ruuxa caqliga lehna waxaa ku waajib ah in marka xaq iyo wanaag loogu yeero uu raacaa oo aqbalaa.
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ هَلْ أَدُلُّكُمْ عَلَىٰ تِجَٰرَةٍ تُنجِيكُم مِّنْ عَذَابٍ أَلِيمٍ
Kuwa xaqa rumeeyow ma idin tusiyaa ganacsi idinka koriya cadaab daran.
تُؤْمِنُونَ بِٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦ وَتُجَٰهِدُونَ فِى سَبِيلِ ٱللَّهِ بِأَمْوَٰلِكُمْ وَأَنفُسِكُمْ ذَٰلِكُمْ خَيْرٌ لَّكُمْ إِن كُنتُمْ تَعْلَمُونَ
Waxaad rumaynaysaan Ilaahay iyo Rasuulkiisa waxaadna ku dagaallamaysaan jidkiisa xaqa ah xoolihiinna iyo naftiinna idinkoo u huri, saasaana idiin khayr roon haddaad tihiin kuwo wax og.
يَغْفِرْ لَكُمْ ذُنُوبَكُمْ وَيُدْخِلْكُمْ جَنَّٰتٍ تَجْرِى مِن تَحْتِهَا ٱلْأَنْهَٰرُ وَمَسَٰكِنَ طَيِّبَةً فِى جَنَّٰتِ عَدْنٍ ذَٰلِكَ ٱلْفَوْزُ ٱلْعَظِيمُ
Markaas Alle dambigiinnuu dhaafi wuxuuna idin gelin jannooyin ay dhex socdaan webiyaal iyo guryo wanaagsan oo ku dhex yaalla jannada cadnin (nagaanshaha), taasina waa liibaan weyn.
وَأُخْرَىٰ تُحِبُّونَهَا نَصْرٌ مِّنَ ٱللَّهِ وَفَتْحٌ قَرِيبٌ وَبَشِّرِ ٱلْمُؤْمِنِينَ
Arrin kale ood jeceshihiinna (wuu idin siin) waa gargaarka Alle iyo fatxi (guul) dhaw, kuwa xaqa rumeeyeyna u bishaaree.
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ كُونُوٓا۟ أَنصَارَ ٱللَّهِ كَمَا قَالَ عِيسَى ٱبْنُ مَرْيَمَ لِلْحَوَارِيِّـۧنَ مَنْ أَنصَارِىٓ إِلَى ٱللَّهِ قَالَ ٱلْحَوَارِيُّونَ نَحْنُ أَنصَارُ ٱللَّهِ فَـَٔامَنَت طَّآئِفَةٌ مِّنۢ بَنِىٓ إِسْرَٰٓءِيلَ وَكَفَرَت طَّآئِفَةٌ فَأَيَّدْنَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ عَلَىٰ عَدُوِّهِمْ فَأَصْبَحُوا۟ ظَٰهِرِينَ
Dadka xaqa rumeeyow noqda gargaarayaasha Alle sidii kuwii Nabi Ciise ibnu Maryama saaxiibbadiis ahaa (xawaariyintii) ee uu ku yidhi yaa Alle iila gargaara, markaas ay dheheen annagaa ah gargaarayaashii Alle, ka dib ay xaqa rumaysay koox banii israa’iil ka mid ah, kooxna ay ka gaalawday; Alle na ayiday (xoojiyey) kuwii xaqa rumeeyey (kana adkaadeen cadawgoodii) oo iyagu ka muuqdeen (ka taliyeen) dhulkii.
Aayadahan waxay caddayn in ganacsiga ugu khayr badani ee dambiga lagu dhaafo jannana lagu galo uu yahay Alle iyo Rasuulkiisa oo la rumeeyo iyo jidkiisa oo lagu dagaallamo xoola iyo nafba, si loo daafaco xaqa loona helo nasri iyo guul, lana noqdo sidii xawaariyiintii (saaxiibbadii) Nabi Ciise, dhulkana loo hadho isagoo khayr lagu maamuli.
Qoraalka Carabiga: Tanzil (Uthmani). Tarjumaad: Shaikh Mahmoud Mohammad Abdo · archive.org upload (quran-somali). Tajwiidka: Quran.com. Codka: MP3Quran, Abdirashid Ali Sufi.
Numbered Somali verses transcribed from the page images of the 2020 archive.org quran-somali book and audited independently against the same images; not OCR. Scan-supported source evidence, not character-perfect certification. Commentary excluded; redistribution rights unverified.