يُسَبِّحُ لِلَّهِ مَا فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِى ٱلْأَرْضِ ٱلْمَلِكِ ٱلْقُدُّوسِ ٱلْعَزِيزِ ٱلْحَكِيمِ
Waxaa Alle nasihi (weynayn) waxa samooyinka iyo dhulka ku sugan, Ilaahay waa Xaakin xumaan ka daahirane ah Aadkaade Falsame ah.
Suuradda waa la furayaa…
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
يُسَبِّحُ لِلَّهِ مَا فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِى ٱلْأَرْضِ ٱلْمَلِكِ ٱلْقُدُّوسِ ٱلْعَزِيزِ ٱلْحَكِيمِ
Waxaa Alle nasihi (weynayn) waxa samooyinka iyo dhulka ku sugan, Ilaahay waa Xaakin xumaan ka daahirane ah Aadkaade Falsame ah.
هُوَ ٱلَّذِى بَعَثَ فِى ٱلْأُمِّيِّـۧنَ رَسُولًا مِّنْهُمْ يَتْلُوا۟ عَلَيْهِمْ ءَايَٰتِهِۦ وَيُزَكِّيهِمْ وَيُعَلِّمُهُمُ ٱلْكِتَٰبَ وَٱلْحِكْمَةَ وَإِن كَانُوا۟ مِن قَبْلُ لَفِى ضَلَٰلٍ مُّبِينٍ
Alle waa kan u soo bixiyey kuwaan wax aqoon Rasuul ka mid ah oo ku akhriya korkooda aayaadkiisa kana daahiriya (gaalnimada iyo akhlaaqda xun, kuna barbaariya akhlaaqda wanaagsan), quraankana bara iyo sunnada (Nabiga) waxayna horey u ahaayeen kuwo baadi cad ku sugan.
وَءَاخَرِينَ مِنْهُمْ لَمَّا يَلْحَقُوا۟ بِهِمْ وَهُوَ ٱلْعَزِيزُ ٱلْحَكِيمُ
(Waxaa kale oo Alle Nabiga u diray) kuwo kale oon weli la kulmin kuwaas, Alle na waa Adkaade Falsame ah.
ذَٰلِكَ فَضْلُ ٱللَّهِ يُؤْتِيهِ مَن يَشَآءُ وَٱللَّهُ ذُو ٱلْفَضْلِ ٱلْعَظِيمِ
Arrintaasuna (islaamka iyo Nabiga la soo diray) waa deeq Ilaah, wuxuuna siin ruuxuu doono Alle na waa deeq iyo fadli weyne.
Waxaa Ilaahay u khushuuca waxa uu ku abuuray cirka iyo dhulka, illeen isagaa awood leh, waana kan addoomadiisa wannagga u falay ee u soo diray Rasuul bani aadan ah, si uu u hanuuniyo waxna u baro, kuwa jooga iyo kuwa imaanba. Xaalkaasna waa xaal weyn oo khayr ah cidduu doono yuuna siiyaa, illeen waa deeq badanee.
مَثَلُ ٱلَّذِينَ حُمِّلُوا۟ ٱلتَّوْرَىٰةَ ثُمَّ لَمْ يَحْمِلُوهَا كَمَثَلِ ٱلْحِمَارِ يَحْمِلُ أَسْفَارًۢا بِئْسَ مَثَلُ ٱلْقَوْمِ ٱلَّذِينَ كَذَّبُوا۟ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ وَٱللَّهُ لَا يَهْدِى ٱلْقَوْمَ ٱلظَّٰلِمِينَ
Kuwii la faray inay kitaabka tawreed (ilaaliyaan) kuna camal falaan (waa yuhuudda) haddana aan ku camal falin, waxay la mid yihiin dameer xambaarsan kutub badan, waxaana xun masalka kuwaas beeniyey aayadaha Alle, Ilaahayna ma hanuuniyo kuwo daalimiin ah.
قُلْ يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ هَادُوٓا۟ إِن زَعَمْتُمْ أَنَّكُمْ أَوْلِيَآءُ لِلَّهِ مِن دُونِ ٱلنَّاسِ فَتَمَنَّوُا۟ ٱلْمَوْتَ إِن كُنتُمْ صَٰدِقِينَ
Waxaad dhahdaa (Nabiyow) kuwa yuhuudda ahow haddaad sheegateen inaad tihiin awliyo Alle dadka kale ka sokow, geeri jeclaada haddaad run sheegaysaan.
وَلَا يَتَمَنَّوْنَهُۥٓ أَبَدًۢا بِمَا قَدَّمَتْ أَيْدِيهِمْ وَٱللَّهُ عَلِيمٌۢ بِٱلظَّٰلِمِينَ
Geerina ma jeclaanayaan weligood waxay hormarsadeen (oo gaf ah) dartiis, Alle na waa ogyahay kuwa daalimiinta ah.
قُلْ إِنَّ ٱلْمَوْتَ ٱلَّذِى تَفِرُّونَ مِنْهُ فَإِنَّهُۥ مُلَٰقِيكُمْ ثُمَّ تُرَدُّونَ إِلَىٰ عَٰلِمِ ٱلْغَيْبِ وَٱلشَّهَٰدَةِ فَيُنَبِّئُكُم بِمَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ
Waxaad ku dhahdaa geerida aad ka cararaysaan way idinla kulmi, markaasaa laydiin celin Ilaah og waxa maqan iyo wax joogaba, markaasuu idiinka warrami (idinka jaasin) waxaad camal falayseen.
Waana in quraanka lagu camal falaa lana raacaa, si aan loola mid noqonnin yuhuuddii dayacday kitaabkii tawreed, markaas Alle ku maslay dameer kutub lagu raray, jeclaanshaha Ilaahayna wuxuu ku xidhan yahay sida loo caabudo iyo sida loo falo wuxuu ku faray ee ma aha sheegasho inuu ku jecel yahay sida yuhuuddu fasho, saas daraaddeed waa in Alle si dhab ah loo caabudaa illeen isagaa loo noqone.
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ إِذَا نُودِىَ لِلصَّلَوٰةِ مِن يَوْمِ ٱلْجُمُعَةِ فَٱسْعَوْا۟ إِلَىٰ ذِكْرِ ٱللَّهِ وَذَرُوا۟ ٱلْبَيْعَ ذَٰلِكُمْ خَيْرٌ لَّكُمْ إِن كُنتُمْ تَعْلَمُونَ
Kuwa xaqa rumeeyow marka laysugu yeedho salaadda maalinta jimcaha ah aada xusidda Alle, wax gadashadana ka taga, saasaa idiin khayr roon haddaad tihiin kuwo wax og.
فَإِذَا قُضِيَتِ ٱلصَّلَوٰةُ فَٱنتَشِرُوا۟ فِى ٱلْأَرْضِ وَٱبْتَغُوا۟ مِن فَضْلِ ٱللَّهِ وَٱذْكُرُوا۟ ٱللَّهَ كَثِيرًا لَّعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ
Markase salaadda la dhammeeyo dhulka ku kala faafa, dalbana (doona) khayrka Alle, Ilaahayna xusa in badan waxaad u dhawdihiin inaad liibaantaan.
وَإِذَا رَأَوْا۟ تِجَٰرَةً أَوْ لَهْوًا ٱنفَضُّوٓا۟ إِلَيْهَا وَتَرَكُوكَ قَآئِمًا قُلْ مَا عِندَ ٱللَّهِ خَيْرٌ مِّنَ ٱللَّهْوِ وَمِنَ ٱلتِّجَٰرَةِ وَٱللَّهُ خَيْرُ ٱلرَّٰزِقِينَ
Markay arkaan tijaaro (ganacsi) ama ciyaar (wax lagu shuqloomo) way aadaan, waxayna kaa tagaan Nabiyow adoo taagan (khudbo akhrin) waxaad dhahdaa waxa Alle agtiisa ah yaa ka khayr badan ciyaar iyo ganacsiba, Ilaahay waa kan ugu khayr badan inta wax arsaaqda.
Salaaddu waa tiirka labaad ee diinta islaamka, dadaalkeeduna waa waajib culus ama tan jumcada ha ahaato ruuxay ku waajibtay ama tan kalee maalin walba la tukado ha noqotee, waana inaan laga shuqloomin mar hadduu waqtigeedu galo, iyadoo ay waajib tahay in shaqada iyo kasabka xalaasha ah lagu dadaalo, aayadda kow iyo tobnaadna waxay ku soo degtay mar Nabigu (naxariis iyo nabadgelyo korkiisa Alle ha yeelee) uu khudbo jimco akhrinaayey oo safar badeeca wada soo galay Madiino, markaas dad asxaabtii ka mid ah aadeen, sida Alle sheegay khayrka agtiisa ah yaa ka wanaagsan ciyaar iyo ganasciba. Rasuulkana waxaa laga weriyay inuu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha yeelee): ruuxii hadla maalinta jumcada imaamkoo khudbada akhrin wuxuu la mid yahay dameer kutub xambaarsan. Ruuxii ku dhaha aamusna jumco uma jirto. Waxaa wariyey Imaam Axmad. Mana xoog badna.
Qoraalka Carabiga: Tanzil (Uthmani). Tarjumaad: Shaikh Mahmoud Mohammad Abdo · archive.org upload (quran-somali). Tajwiidka: Quran.com. Codka: MP3Quran, Abdirashid Ali Sufi.
Numbered Somali verses transcribed from the page images of the 2020 archive.org quran-somali book and audited independently against the same images; not OCR. Scan-supported source evidence, not character-perfect certification. Commentary excluded; redistribution rights unverified.