بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
إِذَا جَآءَكَ ٱلْمُنَٰفِقُونَ قَالُوا۟ نَشْهَدُ إِنَّكَ لَرَسُولُ ٱللَّهِ وَٱللَّهُ يَعْلَمُ إِنَّكَ لَرَسُولُهُۥ وَٱللَّهُ يَشْهَدُ إِنَّ ٱلْمُنَٰفِقِينَ لَكَٰذِبُونَ
Markay kuu yimaadaan (Nabiyow) munaafiqiintu waxay dhihi waxaan marag ka nahay inaad tahay Rasuul Alle, Ilaahayna waa ogyahay inaad tahay Rasuulkiisii, Alle na wuxuu marag ka yahay inay munaafiqiintu beenaalayaal yihiin (xagga niyada).
ٱتَّخَذُوٓا۟ أَيْمَٰنَهُمْ جُنَّةً فَصَدُّوا۟ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ إِنَّهُمْ سَآءَ مَا كَانُوا۟ يَعْمَلُونَ
Dhaartooda (beenta ah) yey ka dhigteen gaashaan, dadkana waxay ka iileen jidkii Alle, waxay samaynna aad buu u xun yahay.
ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمْ ءَامَنُوا۟ ثُمَّ كَفَرُوا۟ فَطُبِعَ عَلَىٰ قُلُوبِهِمْ فَهُمْ لَا يَفْقَهُونَ
Saas waxaa ugu wacan inay (xagga muuqa) rumeeyeen haddana (hoosta) ka gaaloobeen, quluubtoodana waa la daabacay (la daboolay) wax xaq ahna ma kasayaan.
وَإِذَا رَأَيْتَهُمْ تُعْجِبُكَ أَجْسَامُهُمْ وَإِن يَقُولُوا۟ تَسْمَعْ لِقَوْلِهِمْ كَأَنَّهُمْ خُشُبٌ مُّسَنَّدَةٌ يَحْسَبُونَ كُلَّ صَيْحَةٍ عَلَيْهِمْ هُمُ ٱلْعَدُوُّ فَٱحْذَرْهُمْ قَٰتَلَهُمُ ٱللَّهُ أَنَّىٰ يُؤْفَكُونَ
Haddaad aragto munaafiqiinta waad la yaabi jidhkooda, iyo muuqooda, hadday hadlaanna waad dhagaysan hadalkooda, waxaadse mooddaa dogobyo la tiirtiiriyey, qayladii yeedhabana way ka cabsadaan, waa col kuwaasi, Alle na ha lacnado ee xaggee loo duufsan.
Tafsiirka aayadaha 1–4
Suuraddani waxay ka sheekayn munaafiqiinta iyo xumaatadooda, maxaa yeelay xagga muuqaalka waxay sheegan inay xaqa rumeeyeen, xagga hoosana waxay islaamka ula joogaan colnimo iyo xumaan, kuwaasi waa ahlu naaree yeyna kugu khaldin bidhaanta iyo afka macaan ee suntu ka hoosayso.
وَإِذَا قِيلَ لَهُمْ تَعَالَوْا۟ يَسْتَغْفِرْ لَكُمْ رَسُولُ ٱللَّهِ لَوَّوْا۟ رُءُوسَهُمْ وَرَأَيْتَهُمْ يَصُدُّونَ وَهُم مُّسْتَكْبِرُونَ
Marka lagu dhaho munaafiqiinta kaalaya ha idiin dambi dhaaf weydiiyee Rasuulka Alle waxay ruxaan madaxa (diiddo darteed) waxaad aragtaa iyagoo jeedsan oo iskibrin.
سَوَآءٌ عَلَيْهِمْ أَسْتَغْفَرْتَ لَهُمْ أَمْ لَمْ تَسْتَغْفِرْ لَهُمْ لَن يَغْفِرَ ٱللَّهُ لَهُمْ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يَهْدِى ٱلْقَوْمَ ٱلْفَٰسِقِينَ
Waa isku mid haddaad u dambi dhaaf weydiisid (Nabiyow) iyo haddii kale, marnaba Alle u dambi dhaafi mahayo, maxaa yeelay Alle ma hanuuniyo dad faasiqiin ah.
هُمُ ٱلَّذِينَ يَقُولُونَ لَا تُنفِقُوا۟ عَلَىٰ مَنْ عِندَ رَسُولِ ٱللَّهِ حَتَّىٰ يَنفَضُّوا۟ وَلِلَّهِ خَزَآئِنُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَلَٰكِنَّ ٱلْمُنَٰفِقِينَ لَا يَفْقَهُونَ
Waa kuwa dhihi (munaafiqiintu) ha quudininna kuwa Rasuulka la jooga intay ka kala tagaan, Alle ayaa iska leh khasnadaha samaawaatka iyo dhulka, hase yeeshee munaafiqiintu ma fahansana.
يَقُولُونَ لَئِن رَّجَعْنَآ إِلَى ٱلْمَدِينَةِ لَيُخْرِجَنَّ ٱلْأَعَزُّ مِنْهَا ٱلْأَذَلَّ وَلِلَّهِ ٱلْعِزَّةُ وَلِرَسُولِهِۦ وَلِلْمُؤْمِنِينَ وَلَٰكِنَّ ٱلْمُنَٰفِقِينَ لَا يَعْلَمُونَ
Munaafiqiintu waa kuwa dhihi haddaan Madiino u noqonno waa in kuwa tabarta lihi ka bixiyaan magaalada kuwa dullaysan, tabar iyo sharaf Alle ayaa iska leh Rasuulkiisa iyo mu’miniinta, hase yeeshee munaafiqiintu ma oga.
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ لَا تُلْهِكُمْ أَمْوَٰلُكُمْ وَلَآ أَوْلَٰدُكُمْ عَن ذِكْرِ ٱللَّهِ وَمَن يَفْعَلْ ذَٰلِكَ فَأُو۟لَٰٓئِكَ هُمُ ٱلْخَٰسِرُونَ
Kuwa xaqa rumeeyow yaanay idin ka shuqlinin xoolihiinnu iyo caruurtiinnu xuska Alle (daacaddiisa) ciddii saas fashaana waa mid khasaartay.
وَأَنفِقُوا۟ مِن مَّا رَزَقْنَٰكُم مِّن قَبْلِ أَن يَأْتِىَ أَحَدَكُمُ ٱلْمَوْتُ فَيَقُولَ رَبِّ لَوْلَآ أَخَّرْتَنِىٓ إِلَىٰٓ أَجَلٍ قَرِيبٍ فَأَصَّدَّقَ وَأَكُن مِّنَ ٱلصَّٰلِحِينَ
Bixiyana wax ka mid ah waxa Alle idinku arsuqay geerida horteeda oo markaas uu yiraahdo (ruuxaan wax baxsan) Allow maad muddo dhow dib ii dhigtid oon sadaqaysto kuwa suubbanna aan ka mid noqdee.
وَلَن يُؤَخِّرَ ٱللَّهُ نَفْسًا إِذَا جَآءَ أَجَلُهَا وَٱللَّهُ خَبِيرٌۢ بِمَا تَعْمَلُونَ
Naf malaggeed galayna Alle dib uma dhigo, Ilaahayna waa ogyahay waxaad camal falaysaan.
Tafsiirka aayadaha 5–11
Isla waynidu waa xun tahay, mana aha in ruux caqli lihi diido in wanaagga loogu yeedho, hase yeeshee arrinta Ilaahay baa maamula risqigana isagaa bixiya ee ma aha siday munaafiqiintu moodeen, tan kale waa inaan xoolaha iyo carruurtu sabab u noqonnin Alle ka fogaansho, illeen waa khasaare saasiye, waana in wax la baxsadaa geeri ka hor si dadka suubban looga mid noqdo oon hadhowna loo calaacalin, illeen naf malaggeed galay Alle ma sugee. Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi: ruuxii leh xoola gaadhsiiya xajka baydka Alle ama zako ku waajibtoo aan falin wuxuu Alle warsan markuu dhiman in loo celiyo adduunkii.
Ilaha
Qoraalka Carabiga: Tanzil (Uthmani). Tarjumaad: Shaikh Mahmoud Mohammad Abdo · archive.org upload (quran-somali). Tajwiidka: Quran.com. Codka: MP3Quran, Abdirashid Ali Sufi.
Numbered Somali verses transcribed from the page images of the 2020 archive.org quran-somali book and audited independently against the same images; not OCR. Scan-supported source evidence, not character-perfect certification. Commentary excluded; redistribution rights unverified.