يُسَبِّحُ لِلَّهِ مَا فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَمَا فِى ٱلْأَرْضِ لَهُ ٱلْمُلْكُ وَلَهُ ٱلْحَمْدُ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ قَدِيرٌ
Waxaa Alle nasaha (weyneeya) waxa samaawaatka (cirka) iyo dhulka ku sugan awood iyo mahadbana Alle ayaa iska leh, wax walbana isagaa kara.
هُوَ ٱلَّذِى خَلَقَكُمْ فَمِنكُمْ كَافِرٌ وَمِنكُم مُّؤْمِنٌ وَٱللَّهُ بِمَا تَعْمَلُونَ بَصِيرٌ
Alle waa kan idin abuuray qaarkiinna gaaluu noqday, qaarkiinna mu’miniin, Alle na waxaad camal falaysan waa arkaa.
خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضَ بِٱلْحَقِّ وَصَوَّرَكُمْ فَأَحْسَنَ صُوَرَكُمْ وَإِلَيْهِ ٱلْمَصِيرُ
Samaawaatka (cirka) iyo dhulkaba wuxuu Alle u abuuray si xaq ah, wuuna idin sawiray Alle dadoow, suuraddiinnana wuu wanaajiyey, isagaana loo noqon (aakhiro).
يَعْلَمُ مَا فِى ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلْأَرْضِ وَيَعْلَمُ مَا تُسِرُّونَ وَمَا تُعْلِنُونَ وَٱللَّهُ عَلِيمٌۢ بِذَاتِ ٱلصُّدُورِ
Wuxuu ogyahay waxa samaawaatka (cirka) iyo dhulka ku sugan, wuxuuna ogyahay waxaad qarinaysaan iyo waxaad muujinaysaan, Alle na waa ogyahay waxa laabta (qalbiga) ku jira.
Tafsiirka aayadaha 1–4
Alle waxaa u khushuuca una hoggaansama awooddiisa waxa ku sugan cirka iyo dhulka sida aayado badan sheegeen, isagaana mahad iyo qudradba iska leh, bani Aadamkana isagaa abuuray jidkana tusiyey samaan iyo xumaanba, abuurka Alle na ciyaar ma aha ee waa xigmo iyo imtixaan, waxa dadku camal falana waa ogyahay dhammaantiis, saas daraaddeed waa in niyada iyo qalbigaba la daahiriyo, Allana la weeyneeyo illeen isagaa awood leh loona noqone.
أَلَمْ يَأْتِكُمْ نَبَؤُا۟ ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ مِن قَبْلُ فَذَاقُوا۟ وَبَالَ أَمْرِهِمْ وَلَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ
Miyuuna idin soo gaarin warkii kuwii gaaloobay ee horreeyey, waxay dhadhamiyeen xumaantii camalkoodii, waxaana u sugnaaday caddibaad daran.
ذَٰلِكَ بِأَنَّهُۥ كَانَت تَّأْتِيهِمْ رُسُلُهُم بِٱلْبَيِّنَٰتِ فَقَالُوٓا۟ أَبَشَرٌ يَهْدُونَنَا فَكَفَرُوا۟ وَتَوَلَّوا۟ وَّٱسْتَغْنَى ٱللَّهُ وَٱللَّهُ غَنِىٌّ حَمِيدٌ
Arrintaas waxaa ugu wacan in rasuullo ula yimaadeen xujooyin ayna dheheen (gaaladii) ma dadbaa na hanuunin ayna gaaloobeen oo jeedsadeen, iyadoo Allana ka deeqtoonaa marki horeba (iyaga iyo iimaankoodaba), Alle na waa midka hodanka ah lana mahadiyo.
زَعَمَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓا۟ أَن لَّن يُبْعَثُوا۟ قُلْ بَلَىٰ وَرَبِّى لَتُبْعَثُنَّ ثُمَّ لَتُنَبَّؤُنَّ بِمَا عَمِلْتُمْ وَذَٰلِكَ عَلَى ٱللَّهِ يَسِيرٌ
Waxay sheegeen kuwii gaaloobay inaan la soo bixinaynin, waxaad dhahdaa: saas ma aha, Alle Ayaan ku dhaartay in la idin soo bixin laydinkana warrami waxaad camal fasheen, taasina waa u fududdahay Alle.
فَـَٔامِنُوا۟ بِٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦ وَٱلنُّورِ ٱلَّذِىٓ أَنزَلْنَا وَٱللَّهُ بِمَا تَعْمَلُونَ خَبِيرٌ
Ee rumeeya Alle iyo Rasuulkiisa iyo nuurka Alle soo dejiyey (quraanka), Alle na waxaad camal falaysaan waa ogyahay.
يَوْمَ يَجْمَعُكُمْ لِيَوْمِ ٱلْجَمْعِ ذَٰلِكَ يَوْمُ ٱلتَّغَابُنِ وَمَن يُؤْمِنۢ بِٱللَّهِ وَيَعْمَلْ صَٰلِحًا يُكَفِّرْ عَنْهُ سَيِّـَٔاتِهِۦ وَيُدْخِلْهُ جَنَّٰتٍ تَجْرِى مِن تَحْتِهَا ٱلْأَنْهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَآ أَبَدًا ذَٰلِكَ ٱلْفَوْزُ ٱلْعَظِيمُ
Maalinta qiyaamada ee Ilaahay idinsoo kulmin waa maalin kado (oo la dareemo inaan laga faa’iideysan fursadihii la haystay), ruuxiise Ilaah rumeeya camal wanaagsanna fala Alle xumaantiisa (dambigiisa) wuu asturi, wuxuuna galin jannooyin ay dhex dureeraan wabiyaal way kuna waaraan waligood, taasina waa liibaan weyn.
وَٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ وَكَذَّبُوا۟ بِـَٔايَٰتِنَآ أُو۟لَٰٓئِكَ أَصْحَٰبُ ٱلنَّارِ خَٰلِدِينَ فِيهَا وَبِئْسَ ٱلْمَصِيرُ
Kuwa gaaloobayse beeniyeyna aayaadka Alle waa kuwa ahlu naar ah waxayna ku waari dhexdeeda, meel loo ahaadana iyadaa u xun.
Tafsiirka aayadaha 5–10
Warkii ummaddii hore waxaa looga dan leeyahay in lagu waano qaato lagana leexdo jidkoodii xumaa ee xaq diidka iyo madax adaygga ahaa, lana rumeeyo quraanka nuurka Alle ah iyo xaqoo dhan si Alle maalinta qiyaame ee kulminta naxariis iyo jannooyin inoo siiyo loona gaadho liibaan Alle, lagana nabad galo naar daran oo loo darbay xaq diidayaasha. Muqaatilna wuxuu yidhi: ma jiro khasaare ka weyn in kuwaasina jannada galaan kuwaasina lala aado naarta.
مَآ أَصَابَ مِن مُّصِيبَةٍ إِلَّا بِإِذْنِ ٱللَّهِ وَمَن يُؤْمِنۢ بِٱللَّهِ يَهْدِ قَلْبَهُۥ وَٱللَّهُ بِكُلِّ شَىْءٍ عَلِيمٌ
Wixii musiiba ah (dhib ah) oo dhaca waa idanka Alle, ruuxiise Alle rumeeya waxaa Alle hanuunin (oo xasilin) qalbigiisa, Alle na wax walba waa ogyahay.
وَأَطِيعُوا۟ ٱللَّهَ وَأَطِيعُوا۟ ٱلرَّسُولَ فَإِن تَوَلَّيْتُمْ فَإِنَّمَا عَلَىٰ رَسُولِنَا ٱلْبَلَٰغُ ٱلْمُبِينُ
Alle adeeca Rasuulkiisana adeeca, haddaadse jeedsataan (xaqa diiddaan) waxaa Rasuulka saaran uun inuu si cad wax u gaarsiiyo.
ٱللَّهُ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ وَعَلَى ٱللَّهِ فَلْيَتَوَكَّلِ ٱلْمُؤْمِنُونَ
Alle, Allaah mooyee macbuud kaloo xaq lugu caabudo ma jiro isaga uunna ha tala saarteen mu’miniintu.
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓا۟ إِنَّ مِنْ أَزْوَٰجِكُمْ وَأَوْلَٰدِكُمْ عَدُوًّا لَّكُمْ فَٱحْذَرُوهُمْ وَإِن تَعْفُوا۟ وَتَصْفَحُوا۟ وَتَغْفِرُوا۟ فَإِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٌ رَّحِيمٌ
Kuwa xaqa rumeeyow haweenkiinna iyo caruurtiinna waxaa ka mid ah kuwo col idiin ah ee ka digtoonaada, haddaadse iska cafidaan saamaxdaanna Alle waa dambi dhaafe naxariiste ah.
إِنَّمَآ أَمْوَٰلُكُمْ وَأَوْلَٰدُكُمْ فِتْنَةٌ وَٱللَّهُ عِندَهُۥٓ أَجْرٌ عَظِيمٌ
Xoolihiinnu iyo caruurtiinnu waa uun fidno (ibtilo) Alle agtiisaase ajir weyn (ku sugan yahay).
Tafsiirka aayadaha 11–15
Wax walba idanka Allaah yuu ku dhacaa, ruuxiise Alle rumeeya waxaa hanuuni oo toosi xasilina qalbigiisa, saas daraaddeed waa in Alle iyo Rasuulkiisa Muxamad ah (naxariis iyo nabad gelyo Alle korkiisa ha yeelee) la adeeco waana in Alle lagu xidhnaado lana tala saarto wax kastoo xaqa kaa leexin ama kaa shuqlinna laga digtoonaado, maxaa yeelay Alle ayaa wax loo dhawaada ah. Rasuulkuna wuxuu yidhi (ammaan iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha yeelee): ilmuhu waa ay ku fulayeeyaan, kuna bakhaylsiiyaan, kuna walbahaariyaan.
فَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ مَا ٱسْتَطَعْتُمْ وَٱسْمَعُوا۟ وَأَطِيعُوا۟ وَأَنفِقُوا۟ خَيْرًا لِّأَنفُسِكُمْ وَمَن يُوقَ شُحَّ نَفْسِهِۦ فَأُو۟لَٰٓئِكَ هُمُ ٱلْمُفْلِحُونَ
Alle ka dhawrsada intaad kartaan, maqla oo adeecana (weyneeya), waxna baxsada, ruuxii laga dhawro bakhaylnimada naftiisa waa liibaanay.
إِن تُقْرِضُوا۟ ٱللَّهَ قَرْضًا حَسَنًا يُضَٰعِفْهُ لَكُمْ وَيَغْفِرْ لَكُمْ وَٱللَّهُ شَكُورٌ حَلِيمٌ
Haddaad Alle amaah fiican amaahsataan (wax sadaqaysataan) Alle waa idiin laab laabi, dambigiinnana wuu dhaafi, Alle na waa kan la mahadiyo ee dusha san.
عَٰلِمُ ٱلْغَيْبِ وَٱلشَّهَٰدَةِ ٱلْعَزِيزُ ٱلْحَكِيمُ
Waxa maqan iyo waxa joogaba Alle waa ogyahay waana adkaade falsan.
Tafsiirka aayadaha 16–18
Diinta islaamku ma aha wax lagu dhaqmi waayi oo adag, ee waa fududdahay, Alle na dadka wuxuu ka rabaa intay karaan uun inay ka yaabaan, waana in xaqa layska maqlaa layskuna adeecaa. Waxna la baxsadaa bakhaylnimada iyo xoola jacaylka daranna laga fogaadaa, si Allaha wax walba og inoogu abaal mariyo wanaag iyo khayr. Waxaa sugnaaday: haddaan wax idin faro la imaada waxaad ka kartaan, haddaan idinka reebana ka reebtoonaada. Waa saxiix.