يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِىُّ إِذَا طَلَّقْتُمُ ٱلنِّسَآءَ فَطَلِّقُوهُنَّ لِعِدَّتِهِنَّ وَأَحْصُوا۟ ٱلْعِدَّةَ وَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ رَبَّكُمْ لَا تُخْرِجُوهُنَّ مِنۢ بُيُوتِهِنَّ وَلَا يَخْرُجْنَ إِلَّآ أَن يَأْتِينَ بِفَٰحِشَةٍ مُّبَيِّنَةٍ وَتِلْكَ حُدُودُ ٱللَّهِ وَمَن يَتَعَدَّ حُدُودَ ٱللَّهِ فَقَدْ ظَلَمَ نَفْسَهُۥ لَا تَدْرِى لَعَلَّ ٱللَّهَ يُحْدِثُ بَعْدَ ذَٰلِكَ أَمْرًا
Nabiyow haddaad haweenka furaysaan ciddada (billowgeeda) ku fura (daahir aan la taaban), ciddadana tiriya, Alle na ka dhawrsada, hana ka bixinnina guryahooda (ay joogeen marka la furayey) iyana yeyna ka bixin (yeyan ka tagin) inay xumaan cad la yimaadaan mooyee, taasi waa xuduuddii Alle, ruuxii ka tallaaba xuduudda Alle na naftiisuu dulmiyey, ma ogidin, wuxuu Alle u dhaw yahay inuu ka dib xaal keeno, (jacayl, isku noqosho).
فَإِذَا بَلَغْنَ أَجَلَهُنَّ فَأَمْسِكُوهُنَّ بِمَعْرُوفٍ أَوْ فَارِقُوهُنَّ بِمَعْرُوفٍ وَأَشْهِدُوا۟ ذَوَىْ عَدْلٍ مِّنكُمْ وَأَقِيمُوا۟ ٱلشَّهَٰدَةَ لِلَّهِ ذَٰلِكُمْ يُوعَظُ بِهِۦ مَن كَانَ يُؤْمِنُ بِٱللَّهِ وَٱلْيَوْمِ ٱلْـَٔاخِرِ وَمَن يَتَّقِ ٱللَّهَ يَجْعَل لَّهُۥ مَخْرَجًا
Markay ciddada dhammaadkeeda (ku dhawaadaan) si fiican u haysta, ama si fiican u faaruqa, laba qof oo caadiliina oo idin ka mid ahna marag uga dhiga, maraggana ha u guteen Alle dartiis, xaalkaasi waa wacdi ruuxii rumayn Alle iyo maalintii dambaysay «qiyaamada», ruuxii Alle ka dhawrsadana wuxuu u furi faraj.
وَيَرْزُقْهُ مِنْ حَيْثُ لَا يَحْتَسِبُ وَمَن يَتَوَكَّلْ عَلَى ٱللَّهِ فَهُوَ حَسْبُهُۥٓ إِنَّ ٱللَّهَ بَٰلِغُ أَمْرِهِۦ قَدْ جَعَلَ ٱللَّهُ لِكُلِّ شَىْءٍ قَدْرًا
Wuxuuna ka irsaaqi meel uusan ka filanayn, ruuxii Alle tala saartana waa ku filan yahay, Alle na amarkiisu waa fuli, (waxna kama fakado), wax walbana Alle wuxuu u yeelay waqti sugan (oo go’an).
Tafsiirka aayadaha 1–3
Isfuriddu waa xaal diinta islaamku ayan jeclayn, maxaa yeelay waxaa ku dumi guri iyo qoys, hase yeeshee markay lagama maarmaan noqoto waa bannaan tahay, waase inaan lagu xadgudbin haweeynayda la furi, waqti fiicanna la furaa gurigana laga saarin intay ciddada ku jirto, waxaaba laga yaabaa inay isku noqdaan, waana in wanaag lagu wada noolaado, ama wanaag loo kala tago, Allana laga yaabo, taladana loo dhiibto illeen wax walba isagaa awoodee si uu faraj inoogu furo. Rasuulkuna wuxuu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha yeelee): ruuxii badiya dambi dhaaf warsi wuxuu uga yeelaa Alle murug walba faraj, cidhiidhi walbana ka bixid, wuxuuna ka arzaaqaa meeluusan ka filayn.Waxaa wariyey imaam Axmed.
وَٱلَّٰٓـِٔى يَئِسْنَ مِنَ ٱلْمَحِيضِ مِن نِّسَآئِكُمْ إِنِ ٱرْتَبْتُمْ فَعِدَّتُهُنَّ ثَلَٰثَةُ أَشْهُرٍ وَٱلَّٰٓـِٔى لَمْ يَحِضْنَ وَأُو۟لَٰتُ ٱلْأَحْمَالِ أَجَلُهُنَّ أَن يَضَعْنَ حَمْلَهُنَّ وَمَن يَتَّقِ ٱللَّهَ يَجْعَل لَّهُۥ مِنْ أَمْرِهِۦ يُسْرًا
Haweenkiinna caadada ka quustay haddaad shakidaan ciddadoodu waa seddex bilood, kuwaan caada lahayn oo aanay weli ku dhicin waa sidaas oo kale, haweenka uurka leh ciddadoodu waa inay umulaan (dhalaan), ruuxii Alle ka dhawrsadana wuxuu u fududayn amarkiisa.
ذَٰلِكَ أَمْرُ ٱللَّهِ أَنزَلَهُۥٓ إِلَيْكُمْ وَمَن يَتَّقِ ٱللَّهَ يُكَفِّرْ عَنْهُ سَيِّـَٔاتِهِۦ وَيُعْظِمْ لَهُۥٓ أَجْرًا
Kaasi waa amarkii Alle uu idiin soo dejiyey, ruuxii Alle ka dhawrsadana xumaantiisuu asturaa ajirkiisana wuu weyneeyaa.
أَسْكِنُوهُنَّ مِنْ حَيْثُ سَكَنتُم مِّن وُجْدِكُمْ وَلَا تُضَآرُّوهُنَّ لِتُضَيِّقُوا۟ عَلَيْهِنَّ وَإِن كُنَّ أُو۟لَٰتِ حَمْلٍ فَأَنفِقُوا۟ عَلَيْهِنَّ حَتَّىٰ يَضَعْنَ حَمْلَهُنَّ فَإِنْ أَرْضَعْنَ لَكُمْ فَـَٔاتُوهُنَّ أُجُورَهُنَّ وَأْتَمِرُوا۟ بَيْنَكُم بِمَعْرُوفٍ وَإِن تَعَاسَرْتُمْ فَسَتُرْضِعُ لَهُۥٓ أُخْرَىٰ
Dejiya haweenkaas (ciddada ku jira) meelahaad daggan tihiin eed heli kartaan, hana dhibina si aad u ciriiridaan, hadday uur leeyihiinna nafaqeeya (masruufa) intay ka umulaan (ka dhalaan), hadday ilmaha nuujiyaanna siiya ujuuro, wanaagna is fara, haddii laysku qabto nuujintana mid kale ayaa u nuujin.
لِيُنفِقْ ذُو سَعَةٍ مِّن سَعَتِهِۦ وَمَن قُدِرَ عَلَيْهِ رِزْقُهُۥ فَلْيُنفِقْ مِمَّآ ءَاتَىٰهُ ٱللَّهُ لَا يُكَلِّفُ ٱللَّهُ نَفْسًا إِلَّا مَآ ءَاتَىٰهَا سَيَجْعَلُ ٱللَّهُ بَعْدَ عُسْرٍ يُسْرًا
Ha ka nafaqeeyo (masruufo) midka awood xoola leh awooddiisa, kan wax yarna ha ka nafaqeeyo waxa Alle siiyey (ee uu karo), Alle na kuma mashaqeeyo naf wuxuusan siinnin, Alle na wuxuu yeeli cidhiidhi dabadiis fudayd (faraj).
Tafsiirka aayadaha 4–7
Diintu waxay u timid inay dadka u caddayso arrimahooda, saas daraaddeed aayadahanu waxay ka warrami ciddada haweenka la furo, taas oo ah in haweenayda aan caada lahayn ay saddax bilood tirsan tan uurka lehna ay ciddadeedu ku eg tahay markay umusho, xaalkaasna waa arrin Alle soo dejiyey, tan kale waa in hooy loo yeelaa intay ciddada ku jirto, lana masruufo, ruux walbana awooddiisa uu ka masruufo, illeen Alle dadka kuma kallifo (mashaqeeyo) waxayna awoodine, ciddii Ilaahay ka yaabta kuna xidhnaatana Alle faraj yuu u furi xaalkiisana wuu fududayn. Waxaana soo sheegnay in cidhiidhi kasta Alle ka yeelo faraj sida imaam Axmed wariyey.
وَكَأَيِّن مِّن قَرْيَةٍ عَتَتْ عَنْ أَمْرِ رَبِّهَا وَرُسُلِهِۦ فَحَاسَبْنَٰهَا حِسَابًا شَدِيدًا وَعَذَّبْنَٰهَا عَذَابًا نُّكْرًا
Maxay badan tahay magaalo caasiday amarka Alle iyo rusushiisa, markaas Alle xisaabay xisaab daran caddibaad adagna caddibay.
فَذَاقَتْ وَبَالَ أَمْرِهَا وَكَانَ عَٰقِبَةُ أَمْرِهَا خُسْرًا
Oo dhadhamisay cidhibtii xaalkaa xumaantiisa, cidhibteediina ku dambaysay khasaare.
أَعَدَّ ٱللَّهُ لَهُمْ عَذَابًا شَدِيدًا فَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ يَٰٓأُو۟لِى ٱلْأَلْبَٰبِ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ قَدْ أَنزَلَ ٱللَّهُ إِلَيْكُمْ ذِكْرًا
Alle wuxuu u darbay kuwaas caddibaad daran, ee Alle ka dhawrsada kuwa caqliga lahaw rumeeyeyowna, Ilaahay wuxuu idiin soo dejiyey quraane.
رَّسُولًا يَتْلُوا۟ عَلَيْكُمْ ءَايَٰتِ ٱللَّهِ مُبَيِّنَٰتٍ لِّيُخْرِجَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّٰلِحَٰتِ مِنَ ٱلظُّلُمَٰتِ إِلَى ٱلنُّورِ وَمَن يُؤْمِنۢ بِٱللَّهِ وَيَعْمَلْ صَٰلِحًا يُدْخِلْهُ جَنَّٰتٍ تَجْرِى مِن تَحْتِهَا ٱلْأَنْهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَآ أَبَدًا قَدْ أَحْسَنَ ٱللَّهُ لَهُۥ رِزْقًا
Rasuulna wuu idiin soo diray kaasoo idiin akhriya aayaadka Alle ee cad cad si uu kuwa mu’miniinta ah camal wanaagsanna falay uga bixiyo mugdiga nuurkana ugu bixiyo, ruuxii Alle rumeeya camal wanaagsanna fala wuxuu gelin jannooyin ay dureerayso dhexdeeda wabiyaal wayna ku waari waligood, Alle waa wanaajiyey kuwaas risqigooda.
ٱللَّهُ ٱلَّذِى خَلَقَ سَبْعَ سَمَٰوَٰتٍ وَمِنَ ٱلْأَرْضِ مِثْلَهُنَّ يَتَنَزَّلُ ٱلْأَمْرُ بَيْنَهُنَّ لِتَعْلَمُوٓا۟ أَنَّ ٱللَّهَ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ قَدِيرٌ وَأَنَّ ٱللَّهَ قَدْ أَحَاطَ بِكُلِّ شَىْءٍ عِلْمًۢا
Alle waa kan abuuray toddobo samo dhulkana kala mid dhigay, amarka Alle na wuxuu ku soo degaa dhexdooda, si aad u ogaataan in Alle wax walba karo wax walbana koobay.
Tafsiirka aayadaha 8–12
Kibir iyo isla weynaan, madax adayg iyo xaqoo laga horjeedsado waxay cidhibtiisu noqotaa halaag iyo caddibaad daran, siday la kulmeen gaaladii saas falay ee horreeyey, hase yeeshee dadka xaqa rumeeyey ee caqliga leh waa inay aad ugu waana qaataan kuwaas, Alle na ka dhawrsadaan, illeen waa ka quraanka u soo dejiyey, Rasuulna u soo direy, mugdigana ka saaray, nuurna u bixiyee, si markaas wannag iyo janno loogu abaal mariyo, maxaa yeelay Alle waa kan awoodda leh, wax walbana abuuray wax walbana cilmigiisu koobay. Ruuxii dulmiya taako dhul ah waxaa madaxa loo galiyaa toddobada dhul. Waa saxiix.