يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِىُّ لِمَ تُحَرِّمُ مَآ أَحَلَّ ٱللَّهُ لَكَ تَبْتَغِى مَرْضَاتَ أَزْوَٰجِكَ وَٱللَّهُ غَفُورٌ رَّحِيمٌ
Nabiyow maxaad u xarrimi wax Alle kuu xalaaleeyey si aad u raalli geliso haweenkaaga, Alle waa dambi dhaafe naxariista ah.
Suuradda waa la furayaa…
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِىُّ لِمَ تُحَرِّمُ مَآ أَحَلَّ ٱللَّهُ لَكَ تَبْتَغِى مَرْضَاتَ أَزْوَٰجِكَ وَٱللَّهُ غَفُورٌ رَّحِيمٌ
Nabiyow maxaad u xarrimi wax Alle kuu xalaaleeyey si aad u raalli geliso haweenkaaga, Alle waa dambi dhaafe naxariista ah.
قَدْ فَرَضَ ٱللَّهُ لَكُمْ تَحِلَّةَ أَيْمَٰنِكُمْ وَٱللَّهُ مَوْلَىٰكُمْ وَهُوَ ٱلْعَلِيمُ ٱلْحَكِيمُ
Alle waa idiin caddeeyey waxa dhaartiinnu ku xalaaloobi, Alle na waa gargaarihiinna, waana wax walba oge falsan.
وَإِذْ أَسَرَّ ٱلنَّبِىُّ إِلَىٰ بَعْضِ أَزْوَٰجِهِۦ حَدِيثًا فَلَمَّا نَبَّأَتْ بِهِۦ وَأَظْهَرَهُ ٱللَّهُ عَلَيْهِ عَرَّفَ بَعْضَهُۥ وَأَعْرَضَ عَنۢ بَعْضٍ فَلَمَّا نَبَّأَهَا بِهِۦ قَالَتْ مَنْ أَنۢبَأَكَ هَٰذَا قَالَ نَبَّأَنِىَ ٱلْعَلِيمُ ٱلْخَبِيرُ
Xusuuso waqtigii Nabigu ku qarsaday haweenkiisa qaarkood hadal, markaas ay ka warrantay xaalkii, Alle na uu Nabiga u daahiriyey, markaas Nabigu uu ogeysiiyey qaarkiis (haweenaydii) qaarna uu ka dhaafay, marku uu warramay ay tiri yaa kuu sheegay xaalkan kuna yiri: waxaa ii warramay Allaha wax walba oge ah ee yaqaanna (waxa qarsoon).
إِن تَتُوبَآ إِلَى ٱللَّهِ فَقَدْ صَغَتْ قُلُوبُكُمَا وَإِن تَظَٰهَرَا عَلَيْهِ فَإِنَّ ٱللَّهَ هُوَ مَوْلَىٰهُ وَجِبْرِيلُ وَصَٰلِحُ ٱلْمُؤْمِنِينَ وَٱلْمَلَٰٓئِكَةُ بَعْدَ ذَٰلِكَ ظَهِيرٌ
Haddaad Alle u noqotaan, in kastoo qalbigiinnu iishay (Alle wuu idiin dhaafi) haddaadse isu kaalmaysataan Nabiga (dhibkiisa) waxaa u gargaari Alle, Jibriil iyo kuwa suuban ee mu’miniinta ah malaa’igta (kalana) markaas ka dib yey xoojin.
عَسَىٰ رَبُّهُۥٓ إِن طَلَّقَكُنَّ أَن يُبْدِلَهُۥٓ أَزْوَٰجًا خَيْرًا مِّنكُنَّ مُسْلِمَٰتٍ مُّؤْمِنَٰتٍ قَٰنِتَٰتٍ تَٰٓئِبَٰتٍ عَٰبِدَٰتٍ سَٰٓئِحَٰتٍ ثَيِّبَٰتٍ وَأَبْكَارًا
Wuxuu Alle u dhaw yahay in Nabigu hadduu idin furo (haweenka Nabiga qaarkood) idiinkaga beddelo kuwa idinka khayr roon oo ah muslimaad, mu’minaad ah, adeeca Alle, toobad keena, Alle caabuda, soomana, kuwa horay loo guursaday iyo kuwo aan hadda ka hor la guursanba leh.
Aayadahanu waxay ku soo degeen mar uu Nabigu (naxariis iyo nabadgelyo korkiis Alle ha yeelee) caano ama malab uu ka soo dhadhamiyey guri haweenaydiis, markaas uu kuwa kale qalbigoodu wax galay, Alle na isagaa wax xalaaleeya waxna xarrima, saas daraadeed yuu Nabiga ugu jeediyey arrintaas, tan kale waa inaan la isku kaalmaysan dhib iyo wax yeello ee laysu kaalmaystaa wanaag iyo sama fal, Alle na waa gargaaraha Rasuulkiisa iyo mu’miniinta. Masruuqna wuxuu yidhi: Nabiga waxaa la faray inuu dhaartii ka kafaaroguto.
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ قُوٓا۟ أَنفُسَكُمْ وَأَهْلِيكُمْ نَارًا وَقُودُهَا ٱلنَّاسُ وَٱلْحِجَارَةُ عَلَيْهَا مَلَٰٓئِكَةٌ غِلَاظٌ شِدَادٌ لَّا يَعْصُونَ ٱللَّهَ مَآ أَمَرَهُمْ وَيَفْعَلُونَ مَا يُؤْمَرُونَ
Kuwa xaqa rumeeyow ka dhawra naftiinna iyo ehelkiinna naar lagu shido dad iyo dhagax ay kana (shaqeeyaan) malaa’ig adag oo daran oon Alle ku caasiyeyn wuxuu faro, falana wixii la amro.
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ كَفَرُوا۟ لَا تَعْتَذِرُوا۟ ٱلْيَوْمَ إِنَّمَا تُجْزَوْنَ مَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ
Kuwa gaaloobow ha cudur daarannina maanta (qiyaamada) waxaa laydinka abaal marin uun waxaad camal fali jirteen.
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ تُوبُوٓا۟ إِلَى ٱللَّهِ تَوْبَةً نَّصُوحًا عَسَىٰ رَبُّكُمْ أَن يُكَفِّرَ عَنكُمْ سَيِّـَٔاتِكُمْ وَيُدْخِلَكُمْ جَنَّٰتٍ تَجْرِى مِن تَحْتِهَا ٱلْأَنْهَٰرُ يَوْمَ لَا يُخْزِى ٱللَّهُ ٱلنَّبِىَّ وَٱلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ مَعَهُۥ نُورُهُمْ يَسْعَىٰ بَيْنَ أَيْدِيهِمْ وَبِأَيْمَٰنِهِمْ يَقُولُونَ رَبَّنَآ أَتْمِمْ لَنَا نُورَنَا وَٱغْفِرْ لَنَآ إِنَّكَ عَلَىٰ كُلِّ شَىْءٍ قَدِيرٌ
Kuwa xaqa rumeeyow u toobad keena Alle toobad san, wuxuu Alle u dhaw yahay inuu asturo xumaantiinna, idin geliyana jannooyin ay dureerayso dhexdooda wabiyaal, maalinta uusan Alle hoojinayn Nabiga iyo kuwa la jooga, nuurkoodina wuxuu socon hortooda iyo midigtooda iyagoo dhihi Allow noo taam yeel nuurkannaga noona dambi dhaaf, adaa wax walba karee.
يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّبِىُّ جَٰهِدِ ٱلْكُفَّارَ وَٱلْمُنَٰفِقِينَ وَٱغْلُظْ عَلَيْهِمْ وَمَأْوَىٰهُمْ جَهَنَّمُ وَبِئْسَ ٱلْمَصِيرُ
Nabiyow la jihaad gaalada iyo munaafiqiinta kuna adkow, hoygooduna waa jahannamo, meel loo ahaadana iyadaa u xune.
Dadka xaqa rumeeyey waa inay ehelkooda khayrka faraan si ay uga nabad galaan naar dadka iyo dhagaxa lagu huriyo, malaa’ig daranna oo amraka Alle fulisana ay ka shaqayso, si ayna u noqonnin sida kuwa xaq diidka ah ee loo dhihi ha cudur daarannina maanta, waana in Alle toobad dhab ah loogu toobad keeno si uu wanaag iyo dambi dhaaf noogu abaal mariyo maalinta Nabiga iyo intii raacday Alle u sama fali illeen wax walba isagaa karee, gaalada iyo munaafiqiintana waa in lala jahaado si jidka toosan loo tusiyo. Salafki waxaa ka sugnatay in tawbadda nasuuxa ah (toosan) ay tahay in la qoomameeyo dambiga markuu kaa dhaco, ood markaas Alle dambidhaaf warsato, oo aad go’aansato inaadan u noqonnin.
ضَرَبَ ٱللَّهُ مَثَلًا لِّلَّذِينَ كَفَرُوا۟ ٱمْرَأَتَ نُوحٍ وَٱمْرَأَتَ لُوطٍ كَانَتَا تَحْتَ عَبْدَيْنِ مِنْ عِبَادِنَا صَٰلِحَيْنِ فَخَانَتَاهُمَا فَلَمْ يُغْنِيَا عَنْهُمَا مِنَ ٱللَّهِ شَيْـًٔا وَقِيلَ ٱدْخُلَا ٱلنَّارَ مَعَ ٱلدَّٰخِلِينَ
Alle wuxuu tusaale uga dhigay kuwa gaaloobay haweenaydii Nabi Nuux iyo Nabi Luudh, waxaa qabay laba addoon oo Alle oo suusuubban, markaasay khiyaameen Nabiyadaa (gogol dhaafna ma ahan) waxbana ugama ayan tarin Alle agtiis, waxaana loo dhihi labadaas haweenay la gala naarta kuwa gelaya.
وَضَرَبَ ٱللَّهُ مَثَلًا لِّلَّذِينَ ءَامَنُوا۟ ٱمْرَأَتَ فِرْعَوْنَ إِذْ قَالَتْ رَبِّ ٱبْنِ لِى عِندَكَ بَيْتًا فِى ٱلْجَنَّةِ وَنَجِّنِى مِن فِرْعَوْنَ وَعَمَلِهِۦ وَنَجِّنِى مِنَ ٱلْقَوْمِ ٱلظَّٰلِمِينَ
Waxaa kale oo Alle tusaale uga dhigay kuwa rumeeyey haweenaydii Fircoon markay tidhi Rabbiyow guri agtaada iiga dhis jannada dhexdeeda, igana nabad geli Fircoon iyo camalkiisa, igana nabad geli dadkaas daalimiinta ah.
وَمَرْيَمَ ٱبْنَتَ عِمْرَٰنَ ٱلَّتِىٓ أَحْصَنَتْ فَرْجَهَا فَنَفَخْنَا فِيهِ مِن رُّوحِنَا وَصَدَّقَتْ بِكَلِمَٰتِ رَبِّهَا وَكُتُبِهِۦ وَكَانَتْ مِنَ ٱلْقَٰنِتِينَ
(Waxaa kale oo Alle tusaale uga dhigay kuwa rumeeyey) Maryama binti Cimraan ee ah tii isdhawrtay, markaas malagga (Jibriil ah) (canbuurku meesha kore ee uu ka furan yahay) ka afuufay, rumaysayna sharciga Alle iyo kutubtiisaba, kana mid noqotay kuwa Alle adeeca.
Ruux xumaanlaw ah wax uma tarto la nooli dad fiican hadduusan wax qaadanaynin, sida haweenkii Nabi Nuux iyo Nabi Luudh iyo wixii la mid ahaa. Sidoo kale ruuxii wanaagsan xumaan qof kale wax ma yeesho hadduusan ka raalli ahayn sida haweenaydii Fircoon, Maryama bintu Cimraan oo Nabi Ciise hooyadiis ahayd xaalkeeduna la yaabuu lahaa waxayse ku tusin in Allaha bini Aadamka abuuray uu siduu rabo wax u falo saasna waa in la rumeeyo. Nabiguna wuuxuu yidhi (naxariis iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha yeelee): waxaa kaamil noqday ragga wax badan, haweense waxaa ka kaamil noqday Aasiyadii Fircoon, Maryama Bintu Cimraan, fadliga caa’isho ee haweenkana waa sida thariidka iyo cunnada kale. (Bukhaari iyo Muslim).
Qoraalka Carabiga: Tanzil (Uthmani). Tarjumaad: Shaikh Mahmoud Mohammad Abdo · archive.org upload (quran-somali). Tajwiidka: Quran.com. Codka: MP3Quran, Abdirashid Ali Sufi.
Numbered Somali verses transcribed from the page images of the 2020 archive.org quran-somali book and audited independently against the same images; not OCR. Scan-supported source evidence, not character-perfect certification. Commentary excluded; redistribution rights unverified.