يَٰٓأَيُّهَا ٱلْمُزَّمِّلُ
(Nabiga) isduuduubayow.
Suuradda waa la furayaa…
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
يَٰٓأَيُّهَا ٱلْمُزَّمِّلُ
(Nabiga) isduuduubayow.
قُمِ ٱلَّيْلَ إِلَّا قَلِيلًا
Istaag habeenka (tuko) wax yar mooyee.
نِّصْفَهُۥٓ أَوِ ٱنقُصْ مِنْهُ قَلِيلًا
Nuskiisa tuko ama ka nusqaami wax yar.
أَوْ زِدْ عَلَيْهِ وَرَتِّلِ ٱلْقُرْءَانَ تَرْتِيلًا
Ama ka badi. Quraanka u akhri si fiican.
إِنَّا سَنُلْقِى عَلَيْكَ قَوْلًا ثَقِيلًا
Annagaa kugu dajin hadal culus (wayne).
إِنَّ نَاشِئَةَ ٱلَّيْلِ هِىَ أَشَدُّ وَطْـًٔا وَأَقْوَمُ قِيلًا
Habeenka saacadihiisa (oo la tukado) yaa ku daran khushuucda aadna u toosan.
إِنَّ لَكَ فِى ٱلنَّهَارِ سَبْحًا طَوِيلًا
Maalintii waxaa kuu sugnaaday shaqa dheer.
وَٱذْكُرِ ٱسْمَ رَبِّكَ وَتَبَتَّلْ إِلَيْهِ تَبْتِيلًا
Magaca Alle na xus cibaadadiisana u go’.
رَّبُّ ٱلْمَشْرِقِ وَٱلْمَغْرِبِ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ فَٱتَّخِذْهُ وَكِيلًا
Qorrax ka soo bax iyo u dhacba Alle ayaa iska leh, isaga mooyee ilaah kale xaq luguma caabudo ee ka yeelo wakiil (la cuskado).
وَٱصْبِرْ عَلَىٰ مَا يَقُولُونَ وَٱهْجُرْهُمْ هَجْرًا جَمِيلًا
Kuna samir waxay sheegi gaaladu, si quruxsanna uga hijroo (iskaga tag).
وَذَرْنِى وَٱلْمُكَذِّبِينَ أُو۟لِى ٱلنَّعْمَةِ وَمَهِّلْهُمْ قَلِيلًا
Isu kaanna daa aniga iyo kuwa beeniyay xaqa ee nicmaysan wax yarna sug.
إِنَّ لَدَيْنَآ أَنكَالًا وَجَحِيمًا
Agtannada waxaa ah caddibaad iyo naarta jaxiimo.
وَطَعَامًا ذَا غُصَّةٍ وَعَذَابًا أَلِيمًا
Iyo cunno lagu margado iyo cadaab daran.
يَوْمَ تَرْجُفُ ٱلْأَرْضُ وَٱلْجِبَالُ وَكَانَتِ ٱلْجِبَالُ كَثِيبًا مَّهِيلًا
(Waxay ku dhici arrintaasu) maalinta dhulka iyo buuruhu gilgilan, buuruhuna ay noqon tamuux socda*.
Nabiga «naxariis iyo nabadgalyo Alle korkiisa ha yeelee» wuxuu Alle faray inuu xaqa gaadhsiiyo dadka, cibaadadana badiyo gaar ahaan habeenkii wuxuuna ku mannaystay inuu ku dajiyay quraan sharaf leh, wuxuuna faray inuu badiyo xuska Alle iyo cibaadadiisa, maxaa yeelay adduunka Alle ayaa iska leh. isaga mooyee ilaah kale oo xaq lagu caabudo ma jiro, waxaa kaloos faray inuu Alle tala saarto dhibkana u adkaysto gaaladana ka hijroodo isuna daayo iyaga iyo Alle wax yarna sugo, maxaa yeelay Alle agtiisa yaa cadaab iyo ciqaab u taallaa gaalada maalinta qiyaame.
إِنَّآ أَرْسَلْنَآ إِلَيْكُمْ رَسُولًا شَٰهِدًا عَلَيْكُمْ كَمَآ أَرْسَلْنَآ إِلَىٰ فِرْعَوْنَ رَسُولًا
Annagaa idiin dirray Rasuul idinku markhaati ah, sidaan ugu dirray fircoonba rasuul.
فَعَصَىٰ فِرْعَوْنُ ٱلرَّسُولَ فَأَخَذْنَٰهُ أَخْذًا وَبِيلًا
Fircoonna wuu caasiyay rasuulkii (Nabi Muuse), Fircoonna waxaan ku qabannay qabasha daran.
فَكَيْفَ تَتَّقُونَ إِن كَفَرْتُمْ يَوْمًا يَجْعَلُ ٱلْوِلْدَٰنَ شِيبًا
Ee seebaad gaalooy uga dhawrsanaysaan caddibaadda maalinta qiyaame ee carruurta cirroole ka yeeli haddaad gaalawdaan.
ٱلسَّمَآءُ مُنفَطِرٌۢ بِهِۦ كَانَ وَعْدُهُۥ مَفْعُولًا
Samaduna maalintaas darteed ay la dildillaaci, ballanqaadka Alle na waa wax dhici.
إِنَّ هَٰذِهِۦ تَذْكِرَةٌ فَمَن شَآءَ ٱتَّخَذَ إِلَىٰ رَبِّهِۦ سَبِيلًا
Aayadahani waa waano, ee ruuxii doona Rabbigiis xaggiisa jid ha uga yeesho.
Diridda Rasuulku ma aha wax gaar ku ahayd Nabiga, ee waxaa jiray in Alle diray Nabiyo iyo rasuullo badan sidii Nabi Muusihii fircoon loo diray oo is kibriyay oo beeniyay Alle na ciqaab daran ciqaabay, ruuxii wax garad ahse waa inuu waano qaato una darbado maalinta qiyaame ee dhibka badan, Alle xaggiisana jid fiican uga samaysto.
إِنَّ رَبَّكَ يَعْلَمُ أَنَّكَ تَقُومُ أَدْنَىٰ مِن ثُلُثَىِ ٱلَّيْلِ وَنِصْفَهُۥ وَثُلُثَهُۥ وَطَآئِفَةٌ مِّنَ ٱلَّذِينَ مَعَكَ وَٱللَّهُ يُقَدِّرُ ٱلَّيْلَ وَٱلنَّهَارَ عَلِمَ أَن لَّن تُحْصُوهُ فَتَابَ عَلَيْكُمْ فَٱقْرَءُوا۟ مَا تَيَسَّرَ مِنَ ٱلْقُرْءَانِ عَلِمَ أَن سَيَكُونُ مِنكُم مَّرْضَىٰ وَءَاخَرُونَ يَضْرِبُونَ فِى ٱلْأَرْضِ يَبْتَغُونَ مِن فَضْلِ ٱللَّهِ وَءَاخَرُونَ يُقَٰتِلُونَ فِى سَبِيلِ ٱللَّهِ فَٱقْرَءُوا۟ مَا تَيَسَّرَ مِنْهُ وَأَقِيمُوا۟ ٱلصَّلَوٰةَ وَءَاتُوا۟ ٱلزَّكَوٰةَ وَأَقْرِضُوا۟ ٱللَّهَ قَرْضًا حَسَنًا وَمَا تُقَدِّمُوا۟ لِأَنفُسِكُم مِّنْ خَيْرٍ تَجِدُوهُ عِندَ ٱللَّهِ هُوَ خَيْرًا وَأَعْظَمَ أَجْرًا وَٱسْتَغْفِرُوا۟ ٱللَّهَ إِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٌ رَّحِيمٌۢ
Allehaa wuxuu ogyahay Nabiyow inaad tukatid wax ka yar habeenka saddex meelood laba ama habeenka badhkiis ama habeenka saddex meelood meel, iyo in koox ka mida kuwa kula jira ay tukato, Alle na waa u qadaran yahay habeenka iyo maalintuba, wuxuuna ogyahay inaydaan koobi karin, wuuna idinka toobad aqbalay ee akhriya wixii idiin fududaada oo quraan ah, wuxuu Alle ogyahay inay idin ka mid noqon kuwa buka iyo kuwo safri iyagoo dooni khayrka Alle iyo kuwo u dagaallami jidka Alle ee akhriya wixii idiin fududaada oo quraan ah, salaaddana ooga zakadana bixiya Alle na wax wanaagsan daynsada waxaad naftiinna u hormarsataan oo khayr ahna waxaad ka ogaan doontaan kana heleysaan Alle agtiisa isagoo khayr ah iyo ajri wayn, ee Alle dambi dhaaf waydiista waa dambi dhaafe naxariistee.
Alle waa ogyahay camalkeenna iyo dhaqdhaqaaqeenna habeen iyo dharaarba, waxaana laga rabaa ruuxa mu’minka ah inuu Alle ku xidhnaado oo toobad keeno, quraankana akhriyo, camalkiisuna noqdo mid habaysan oon ahayn mashaqo iyo dhibaato, illeen waxaa lagu shuqloomi karaa, jirro iyo tijaaro xalaal ah, waase in Alle si joogta ah loo caabudo, salaadda, zakada iyo khayrkana la hormarsadaa si wanaag, ajri iyo dambi dhaaf Alle agtiisa looga helo.
Qoraalka Carabiga: Tanzil (Uthmani). Tarjumaad: Shaikh Mahmoud Mohammad Abdo · archive.org upload (quran-somali). Tajwiidka: Quran.com. Codka: MP3Quran, Abdirashid Ali Sufi.
Numbered Somali verses transcribed from the page images of the 2020 archive.org quran-somali book and audited independently against the same images; not OCR. Scan-supported source evidence, not character-perfect certification. Commentary excluded; redistribution rights unverified.