إِذَا ٱلسَّمَآءُ ٱنفَطَرَتْ
Markay samadu dildillaacdo.
Suuradda waa la furayaa…
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Magaca Alle yaan ku billaabaynaa ee Naxariis guud iyo mid gaaraba Naxariista
إِذَا ٱلسَّمَآءُ ٱنفَطَرَتْ
Markay samadu dildillaacdo.
وَإِذَا ٱلْكَوَاكِبُ ٱنتَثَرَتْ
Xiddiguhuna daataan.
وَإِذَا ٱلْبِحَارُ فُجِّرَتْ
Badahana laysku furo.
وَإِذَا ٱلْقُبُورُ بُعْثِرَتْ
Xabaalahana laga soo bixiyo (dadkii).
عَلِمَتْ نَفْسٌ مَّا قَدَّمَتْ وَأَخَّرَتْ
Waxay ogaan nafu waxay hor marsatay iyo waxay dibmarisay.
يَٰٓأَيُّهَا ٱلْإِنسَٰنُ مَا غَرَّكَ بِرَبِّكَ ٱلْكَرِيمِ
Dadow maxaa kugu kadiyay Rabbigaaga sharafta leh.
ٱلَّذِى خَلَقَكَ فَسَوَّىٰكَ فَعَدَلَكَ
Ee kii ku abuuray ah kuna ekeeyay kuna simay.
فِىٓ أَىِّ صُورَةٍ مَّا شَآءَ رَكَّبَكَ
Siduu doonana kuu sameeyey.
كَلَّا بَلْ تُكَذِّبُونَ بِٱلدِّينِ
Saas ma aha ee waxaad beeninaysaan abaal marinta.
وَإِنَّ عَلَيْكُمْ لَحَٰفِظِينَ
Malaa’ig baana idin ilaalinaysa.
كِرَامًا كَٰتِبِينَ
Oo sharaf leh waxna qori.
يَعْلَمُونَ مَا تَفْعَلُونَ
Ogna waxaad falaysaan.
إِنَّ ٱلْأَبْرَارَ لَفِى نَعِيمٍ
Kuwa wanaagsani waxay gali naciima.
وَإِنَّ ٱلْفُجَّارَ لَفِى جَحِيمٍ
Kuwa xun xunna waxay gali jaxiimo.
يَصْلَوْنَهَا يَوْمَ ٱلدِّينِ
Wayna ku guban maalinta abaalmarinta.
وَمَا هُمْ عَنْهَا بِغَآئِبِينَ
Kamana maqnaadaan naarta.
وَمَآ أَدْرَىٰكَ مَا يَوْمُ ٱلدِّينِ
Maalinta abaalmarinta ma taqaannaa.
ثُمَّ مَآ أَدْرَىٰكَ مَا يَوْمُ ٱلدِّينِ
Haddana ma taqaannaa maalinta abaalmarinta.
يَوْمَ لَا تَمْلِكُ نَفْسٌ لِّنَفْسٍ شَيْـًٔا وَٱلْأَمْرُ يَوْمَئِذٍ لِّلَّهِ
Waa maalinta ayna u hanannin nafna naf kale waxba, amarkana maalintaas waxaa iska leh Alle.
Marka qiyaamadu dhici waxaa iman doorsoon iyo is baddallo badan, ruux walbana wuxuu ogaan dhabta, saa daraadeed mar haddii Alle dadka kulmin, abuurkoodiina wanaajiyay, caqlina siiyay, malaa’igna u soo diray og wuxuu fali, jidkuna laba yahay, janno iyo naar, ruuxna ruux kale wax u taraynin idan Alle la’aantiis, amarkana dhammaan Alle iska leeyahay miyayna habboonayn Alle aqoonsi, wanaag falid, xumaan ka tagid iyo u darbasho maalintaas. Cabdullahi ibnu Cumar wuxuu ka wariyay Nabiga: «ruuxii ku farxi inuu qiyaamaha dhab u arko ha akhriyo (marka qorraxda la duubo), (marka samadu dildillaacdo) iyo (marka samadu jeexjeexanto).
Qoraalka Carabiga: Tanzil (Uthmani). Tarjumaad: Shaikh Mahmoud Mohammad Abdo · archive.org upload (quran-somali). Tajwiidka: Quran.com. Codka: MP3Quran, Abdirashid Ali Sufi.
Numbered Somali verses transcribed from the page images of the 2020 archive.org quran-somali book and audited independently against the same images; not OCR. Scan-supported source evidence, not character-perfect certification. Commentary excluded; redistribution rights unverified.